TARTANKA GOBOLADA SL: Xulka Gobolka Hawd Oo Hargaysa Stadium Ku Dubtay Dhigooda Gobolka Sool Xili Gobolka Hawd Uu Hogaanka U Qabtay Groupka Dhimashada Ee Group B

0
617

Waxaa maalintii saddexaad garoonka Hargaysa Stadium si habsami ah uga socda tartanka ciyaaraha gobolada Somaliland waxaana kulankii maanta isku haleelay xulalka bogolada Hawd iyo Sool oo ah laba xul oo khibrad wayn u leh tartanka ciyaaraha Gobolada Somaliland. Hawd, iyo Sool ayaa ka tirsan Groupka geerida ee Group B oo ay kula jiraan xulalka gobolada Daadmadheedh iyo Gobolka Gabiley oo iyaguna kulan xiiso badan ku balansan.

Kulankii ugu xiisaha iyo xamaasada badnaa ayaa galabta Hargaysa Stadium ku dhex maray xulalka gobolada Hawd iyo Sool iyada oo ay soo badhigeen ciyaartii ugu fiicnayd uguna xamaasada badnayd marka la barbar dhigo kulamadii Saaxil iyo Xaysimo iyo waliba kulankii shalay ee Awdal iyo Sanaag. Jamaahiirta labada kooxood ayaa si cajiib ah garoonka u soo buuxiyay waxayna ku heesayeeen cod dheer.

Xulka gobolka Hawd oo ka mid ah xulalka loo saadaalinayo in ay koobka ku guulaysan karaan ayaa soo bandhigay ciyaartii quruxda badnayd isla markaana xamaasada looga bartay iyada oo taaageerayaasha Hawd si wayn garoonka looga dareemayay.

Qaybtii hore ee kulankan xulka gobolka Hawd ayay u suurtogashay in ay helaan goolka furitaanka iyada oo Sharmarke Yaakhii uu xulka gobolkiisa Hawd uu u saxiiay goolka ay hogaanka ciyaarta kula wareegeen. Xulka gobolka Sool oo xaqiqidii soo bandhigay ciyaar aad u fiican laakiin waxay qaybtii hore ee kulankan awoodi waayeen in ay iska soo celiyaan goolka looga hormarray. Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay 1:0 uu xulka gobolka Hawd hogaanka ciyaarta ku hayay.Markii layskugu soo laabtay  xulka gobolka Sool ayaa soo laabtay isaga oo raadinaya goolka barbaraha basle gobolka Hawd ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah waxayna sameeyeen fursado badan oo ay ciyaarta ku dili kareen. Sool ayaan marnaba ka rajo dhigin in ay ciyaarta dib ugu soo laabtaan halka Hawd ay dagaal ugu jirtay goolka labaad si ay ciyaarta hurdada ugu dirto.

Difaaca gobolka Sool ayaa muujiyay qaab ciyaareed aad u fiican iyaga oo si xoogan ku joojinayay weerarka goblka Hawd, Kadib fursado badan oo lag badbaadiyay gobolka Hawd ayaa helay goolkooda labaad ee ay dhulka ku jiideen kooxda gobalka Sool waxaana gool qurux badan Sool ku kala dhantaalay Amin Daadmadheedh oo fursado badan lumiyay wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2:0 ay uu gobolka Hawd ciyaarta hogaankeeda ku dheeraystay.

Xamaasada garoonka ayaa noqotay mid aan la qiyaasi karin oo khaas ah waxaana si dhab ah loo dareemay xiisaha uu leeyahay tartanka gobolada Somaliland iyada oo Hawd uu sidaa ku xaqiijisatay saddexda dhibcood ee u dhexeeyay gobolka Sool.waxayna ugu danbayn ciyaartu ku dhamaatay 2:0 uu xulka gobolka Hawd guul muhiim ah kaga gaadhay kooxda xulka gobolka Sool.

Barri waxaa Hargaysa Stadium ku balansan xulalka gobolada Daadmadheedh iyo Gobolka Gabiley iyada oo Group B uu hogaanka 3 dhibcood hadda ku sii qabtay gobolka Hawd iyada oo la sugi doono natiijada kulanka barri halka Sool ay kulankii ugu horeeyay guuldaro kala kulantay gobolka Hawd.