Sunderland 1-4 Arsenal: Olivier Giroud & Alexis Sanchez Oo Min Laba Gool Dhulka Ku Jiiday Kooxda Dhibaataysan Ee Sunderland Iyo Gunners Oo Hoganka Premier Leaque-ga Sii Qabtay

0
526

Arsenal ayaa guul wayn ka soo gaadhay kooxda Sunderland, iyada oo Alexis Sanchez iyo Olivier Giroud ay min laba gool dhaliyeen. Inkasta oo Sunderland ay goolka barbarhaa la timid iyada oo ciyaarta nususaaci wax ka yari ay ka hadhsan tahay haddana Gunners ayaa weeraro dhul gariir ah ku dulmartay Sunderland iyada oo Giroud uu saamayn cajiib ah ku yeeshay kooxdiisa. Waxa uu daqiiqadii 69 aad ciyaarta k usoo badal halka uu daqiiqadihii 71 aad iyo 76 aad uu laba gool hogaanka ugu dheerayay Arsenal.

Arsenal ayaa Stadium Of Light marti ugu ahayd kooxda xili ciyaareedkan musiibada wayn dhexda kaga jirta ee Sunderland oo kulankan ciyaaraysay iyada oo raadinaysay guusheedii ugu horaysay ee Premier Leaque-ga. Sunderland ayaa 2 dhibcood ka heshay 9 kii kulan ee Premier Leaque-ga ugu horeeyay waxayna kooxda David Moyes ku jirtaa booska ugu hoseeya Premier Leaque-ga. Gunners ayaa  maanka ku haysay in guul ay kulankan ka gaadho Sundelrnad ay ugu yaraan si ku meel gaadh ah u sii qaban doonto hogaanka PL.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

Sunderland (4-5-1): Pickford; Jones, Kone, O’Shea, Van Aanholt; Watmore, Rodwell, Ndong, Pienaar, Khazri; Defoe.

Kaydka:  Mika, Djilobodji, Manquillo, Love, Januzaj, Gooch, Anichebe.

Arsenal (4-2-3-1): Cech; Bellerin, Mustafi, Koscielny, Gibbs; Elneny, Coquelin; Oxlade-Chamberlain, Ozil, Iwobi; Sanchez.

Kaydka: Ospina, Gabriel, Jenkinson, Holding, Ramsey, Maitland-Niles, Giroud.

Arsenal ayaa ahayd kooxda qaybtii hore ee ciyaarta wax kasta garoonka ka samaysay basle waxay ku fashilantay in ay ciyaarta disho oo ay ka faa’iidaysato fursado cajiib ahaa oo ay heshay. Mesut Ozil ayaa qaybtii hore ee kooxdiisa ka lumiyay laba fursadood oo cadaan ahaa oo goolal loo fishay, basle haddana Gunners ayaa natiijada iyo ciyaar ahaanba gacanta sare ku lahayd.DAQIIQADII 13 AAD Sanchez ayaa kubbad cajiib ah u bixiyay Ozil oo dhinaca midig ka boos qaatay isla markaana difaaca Sunderland ka daba baxay laakiin xidiga ree Germany ayaa kubbada gacmaha u saaray goolhaye Pickford wuxuuna Ozil lumiyay kubbad uu goolka la horyimid.Gunners ayaa si joogto ah fursado badan u abuuraysay si ay u hesho goolka furitaanka.DAQIIQADII 13 AAD Sanchez ayaa kubbad cajiib ah u bixiyay Ozil oo dhinaca midig ka boos qaatay isla markaana difaaca Sunderland ka daba baxay laakiin xidiga ree Germany ayaa kubbada gacmaha u saaray goolhaye Pickford wuxuuna Ozil lumiyay kubbad uu goolka la horyimid.Gunners ayaa si joogto ah fursado badan u abuuraysay si ay u hesho goolka furitaanka.DAQIIQADII 19 AAD GOOOOOOOOL! Alexis Alejandro Sánchez ayaa gool qurux badan oo madax ah kooxdiisa Arsenal ugu dhaliyay goolka furitaanka kadib fursado badan oo ay u abuureen in ay goolkan la yimaadaan, waxaana kubbad 22 jeer laysku soo taabtay dhinac midig si fiican uga soo karoosay Alex Oxlade-Chamberlain oo sameeyay caawinta goolkan, wuxuuna Sanchez muujiyay in Wenger uu ku saxsanaa go’aankii uu booska weerarka dhexe ugu badalay, waxayna ciyaartu noqotay 1:0 ay Gunners hogaanka ciyaarta kula wareegtayDAQIIQADII 24 AAD GOOOOO?….Sunderland ayaa shabaqa Gunners soo taabtay kadib markii Jones, Khazri iyo Defoe ay shaqo fiican qabteen balse goolka uu Defoe sida fiican udhamaystiray ayaa loo sheegay in aanu ahayn gool sharci ah isla markaana uu offside ahaa.DAQIIQADII 39 AAD Arsenal ayaa u muuqatay in ay heshay goolkeeda labaad ee ay shaqada badan u qabtay kadib markii uu Ozil kubbad kula baxay goolka Sunderland balse markale Ozil ayaa ku fashilmay in uu ka faa’iideeyo fursad cadaan ahayd wuxuuna isku dayay in uu kubbada ka dulqaado goolhaye Pickford kaas oo khiyaanada Ozil iska fahmay, wuxuuna beeniyay wax loo fishay goolka labaad ee Gunners. Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1:0 ay Arsneal hogaanka ciyaarta ku haysay.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta Arsenal ayaa markiiba bilawday in ay raadiso goolka labaad si ay xaalada ugu sii xumayso Sunderland isla markaana ay iskugu hubsato saddexda dhibcood. Daqiiqadii 62 aad Gunners ayaa iska lumisay fursad cajiib ah iyada oo Oxlade-Chamberlain iyo Ozil kubbad qurux badan wada ciyaareen laakiin Oxlade-Chamberlain ayaa lumiyay fursad goolka labaad lagu dhalin lahaa.

DAQIIQADII 64 AAD REKOODHE! Petr Cech ayaa qalad ku galay Watmore isaga oo si xun dhulka ugu riday wuxuuna isla markiiba garsooruhu tilmaamay in rekoodhe ay tahay, waxayna Sunderland heshay fursadii ugu fiicnayd ee ay ciyaarta ku barbarayn kartay.DAQIIQADII 65 AAD GOOOOOOOOOOL! Jermain Defoe ayaa si qurux badan u dhamaystiray kubbada rekoodha ahayd wuxuuna kooxdiisa u keenay goolka barbarhaa isaga oo ciyaartana ka dhigay barbaro 1:1. Arsenal oo fursado fiican iska lumsay ayaa u muuqatay in rekoodhahani uu ciqaab ku ahaa.DAQIIQADII 71 AAD GOOOOOOOL! Olivier Giroud ayaa taabashadiisii ugu horaysay ku dhaliyay gool cajiib ah isaga oo saddex daqiiqo wax ka yar garoonka ku jiray kadib markii uu Sanchez kubbada fiican ka soo shaqeeyay isla markaana Kieran Gibbs uu sameeyay caawinta goolka labaad ee Gunners, wuxuuna Giroud ciyaarta ka dhigay 2:1 ay Gunners hogaanka ciyaarta dib ugu soo ceshatay.DAQIIQADII 76 AAD GOOOOOOOOOOOL!  Olivier Giroud ayaa jamaahiirta kooxdiisa Gunners u muujiyay wixii uu kala maqnaa wuxuuna markale dhaliyay goolkiisa labaad inkasta oo uu daqiiqado kooban ciyaarta ku jiray wuxuuna markan goolka saddexaad ee Gunners uu ku dhaliyay kubbad uu caawinteeda sameeyay Mesut Ozil waxayna ciyaartu noqotay 3:1 ay Gunners si deg deg ah ugaga jawaabtay goolkii barbaraha ee Sunderland.

DAQIIQADII 78 AAD GOOOOOOOOOOOL!  Alexis Alejandro Sánchez ayaa Sunderland goolka afraad dhulka ku sii jiiday kadib markii ay ciyaartu noqotay mid dhinac kaliya ka socotay waxaana markan soo laabashadiisa gool caawinta Sanchez magiciisa ku qoray Aaron Ramsey, waxayna ciyaartu  noqotay 4:1 ay Gunners ku xaaqayso Black Cats. Ugu danbayn waxay ciyaartu waxay ku dhamaatay 4:1 ay Arsenal ku soo xasuuqday kooxda Sunderland.