Dowladda Suuriya oo duqeyneysa bariga magaalada Xalab

0
364

Diyaaradaha dagaalka ee Suuriya waxa ay duqeynayaan xaafadaha mucaaradka ay Jimcihii qabsadeen ee Xalab.
Dowladda ayaa dooneysa inay markale qabsato xaafadaas oo ah meelaha ay bariga Xalab ka go’doomiso.
Dadka u ololeeya arrimaha mucaaradka ee Suuriya waxa ay sheegayaan in madaafiic culus lagu garaacay xafadahaasi.Dowladda Suuriya ayaa adeegsaneysa diyaarado iyo madaafiicda dhulka laga tuuro si mucaaradka ay dib ugu riixdo.
Warbaahinta dowladda Suuriya waxa ay baahinayaan in madaafiic ay mucaaradka ku rideen qeybta dowladda ay maamusho ee Galbeedka Xalab.