WAR CUSUB: Doorashadii Madaxweynaha Soomaaliya oo ka socota dalka Imaaraadka Carabta

0
482

Dowladda Khaliijka carbeed ee  Imaaraadka Carabta ayaa faragelin aan hore loo arag oo toos ah ku heysa doorashada 2016 ee Soomaaliya.
Ololaha Imaaraadka Carabta ugu jiro inuu Soomaaliya u sameeyo madaxweyne iyo Ra’iisal wasaare uu isagu la yimid ayaa sii kordhay bishii ugu dambeysay ee Oktoobar, iyadoo u yeertay hogaamiyeyaasha maamulada iyo kuwa dowladda Federaalka.
Waxaa hadda Imaaraadka Carabta ku wada sugan madaxda maamul gobleedyada oo uu ka mid yahay madaxweynihii ugu danbeeyay ee maamulka Hirshabeelle oo aan weli xukuumadiisii soo dhisin.
Hore waxaa u tegay  Dubai Madaxweynaha Axmed Madoobe, waxaa ku xigsaday Shariif Xasan Sheekh Aadan, C/kariin Guuleed iyo Cali C/llaahi Cosoble, waxaana ka daba tegaya Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid.
Imaaraadka Carabta oo hore u taageereysay inuu dib u soo laabto Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hadda wararkii ugu danbeeyay ay sheegayaan inay bedeshay mowqifkeedii oo ay wadato laba musharax oo cusub.
Imaaraadka Carabta ayaa xiriir la wada leh dhammaan  maamulada dalka iyo Somaliland oo taageero lacageed iyo mid milateri ay siiso, waxaana sii kordhaya danaha ay Soomaaliya ka leedahay markii ay dhowaan heshiis saldhig milateri uga sameysaneyso dekadda Berbera ay la gashay maamulka Somaliland.