Toban Lagu Tabco … Diyaariye : Guuleed Dalxa

0
1186

Toban Lagu Tabco … Diyaariye : Guuleed Dalxa

Aqoonyahannada diinta Islaamka guud ahaan, gaar ahaanna kuwa ku xeel-dheeraaday cilmiga fiqiga si ballaadhan ayay uga hadleen soomka iyo wixii la xidhiidha

KA FAAIDAYSI HABBOON

Waxa haatan bilaabmay dharaarihii ugu fadliga badnaa adduunka sida lagu hayo dhigganayaasha Muslimiinta ugu caansan oo ay ku jiraan Qur’aanka iyo Sunnada kuwa laga qoray. Dikri lala yimaaddo, wardiga oo wehel laga dhigto, tusbaxa oo la tirsado waa mid aannu ummadda si mug leh ugu boorrinaynno. Soomka Sunnaha ah ayaa yana aan la hilmaami karin ee ay tahay in lagu hirto, naftana la haleeshiiyo.

Aqoonyahannada diinta Islaamka guud ahaan, gaar ahaanna kuwa ku xeel-dheeraaday cilmiga fiqiga si ballaadhan ayay uga hadleen soomka iyo wixii la xidhiidha. Dhigganayaal ayay ka qoreen, curisyo dhaadheer na way ka allufeen. In badan waxaad kutubtooda ku arkaysaa yagoo baab dhan u

guntay soomka. Geeso kala duwan ayay ka eegaan, dadka ayay u sharraxaan, waxayna ku dedaalaan in bulshada laga haqab tiro diintooda suuban.

Xogaha ay ka soo dheegtaan sunnada iyo Qur’aanka ayay ku dhajiyaan qoraalladooda si hawraarsan iyo guddoon loo yidhaahdo. Inta karaankooda ah, xogo sugan ayay adeegsadaan umana badheedhaan wax male-awaal ah. Haddaba waxaynu in yar ka taataaban doonnaa soomamka kale ee Alle abaal marin ku siiyo aadamaha kolka ay la yimaaddaan.

Soomka Sunnada Maxaa Looga Jeedaa?

Sunnada waxa looga jeedaa wax kasta oo Alle loogu dhawaado oo aan kolka hore faral ahayn. Sidoo kale soomka sunnada ahi waa midka aan ahayn mid waajib ah sida Ramadaanta, ee waa mid uu addoonku iskii isu xilqaamayo kadibna la imanayo soomka shuruudihiisii wata.

Xaddiga Abaal Marintu Waa Intee?

Qofka oo dar Ilaahay isku xilqaama oo la yimaadda af-xidhnaan aan lagu waajibin waa wax Alle lagu mahadiyo. Suubanuhu isagoo ka hadlaya ruuxii ku kaca falkaa geesinimada leh wuxuu yidhi, “ Qofka maalin dar Ilaahay u sooma, Alle wuxuu naarta ka fogeeyaa in loo jirsado 70 sanno.” Tix-raac: Bukhaari iyo Muslim ayaa ka weriyay Abii Saciid al Khudriyi. 2685 iyo 1153; siday u kala horreeyaan.

Aqoonyahanka diintu waxyaabaha ay tilmaameen waxa ka mid ah in sunnayaasha soomku Alle uga dan leeyahay in ISAGA ay ugu dhawaadaan, waayo waxa jiray xadiis Suubanaha ka sugan oo ah Xadiisul Qudsi oo sheegayay in mar kasta oo addoonku sunnayaasha badiyo Alle ku jeclaado illaa uu soo dhawaysto.

Soomamka Sunnayaasha ah waxa ka mid ah:

1. Soomka Maalinta Carafo

Dharaaruhu kala fadli badan dhaayuhuna kala duwan. Alle ummaddiisa waxa uu soo mariyaa waayo fiican oo uu ugu talo galay inay ka faaidaystaan. Shaki kuma jiro in dhammaan aadamuhu uu gefo, denbina la yimaaddo, sida uu Suubanuhu ku xusay axaadiis sugan, waxa se uu raaciyay in kuwa toobad keenaa ay yihiin kuwa ugu kheyr ka badan. Alle kol kale sida uu sheegayo Suubanuhu xadiis sugan wuxuu ku tiraabay in aadamuhu gefayaan, Alle na diyaar ula yahay in uu u denbi dhaafo. Toobadda ayaa ah tallaabada koowaad ee lagu waajahayo gefefkaas. Sagaalka bisha Dil Xija waa maalinta ku suntan denbi dhaaf aadamaha Alle siiyo. Waa maalinta ay dadka geyiga Xaramka tagay dul taagan yihiin buurta Carafa. Sida uu Saxaabiga Abuu Qataada ka werinayo Nebiga SCW xadiis ku jiray Muslim, 1162 soomidda maalintaas waxa lagu dhaafaa denbigii sannadkii hore iyo denbiga sannadka soo socda ba. Allahu akbar! Waa hanti ay haystaan Muslimiintu ; waa ceel aan ka gudhayn; waa dar ay ku aroorayaan; waa raasamaal aan khasaarayn, de kolkaas waxa Muslimiinta la gudboon inay guddoon yidhaahdaan, kana faaidaystaan.

Midda kale, maalintan ay Xujaajtu taagan yihiin Buurta Carafa waxa uu Suubanuhu tilmaamay inay tahay maalmaha ugu fadliga badan. Dadka adduunka ku unkan ama ku unkanaan jiray waxay habeen iyo dharaar ba u roorayaan sidii ay uga badbaadi lahaayeen cadaabta iyo ciqaabka Eebe Weyne. Waxay si rasmi ah u xusuusan yihiin aayadaha gooddiga ah ee Alle kaga sheekeeyay astaamaha taban ee naarta iyo sifaheeda cajiibka ah. Waxay ka war qabaan dhcitaanka qiyaamada iyo qaylada aadamaha ka yeedhi doonta. Suuradaha ka hadlaya ayaa Muslimiinta in badan maskaxdooda ka guuxa, waayo waxay xataa suurto galiyeen in Nebigu cirraysto kolka uu maqlo aayadahaas, sida uu ku sheegay xadiiskii sugnaa ee uu yidhi, “ Waxa cirrada iga keentay Huud iyo walaalaheed.” Sida ay tabo kale oo xadiiska loo weriyay warintoodu tilmaamayso waxa uu Suubanuhu hoosta ka xarriiqay dhawr suuradood oo Camma, al-Waaqica ay ka mid yihiin oo dhammaan saacadda ka sheekeynaysa. Il-dheer idilkeed waxay rabaan in naarta Alle ka badbaadiyo, janno na abaal marin uga dhigo. Waxa jirta goor Alle dadka ka xoreeyo naarta. Weydiintu waxay haddaba tahay goorma ayaa naartaas Alle ummadda ka xoreeyaa?

Rasuulkii Ilaahay ayaa yidhi, “ Ma jirto maalin Alle dadka naarta ka xoreeyo, maalin ay ka badan tahay, inta uu ka xoreeyo maalinta Carafa.” Tix-raac: Muslim; 1338.

Dadka Xujaajta ah ee dharaartaas Carafo dul jooga uma habboona inay soomaan ee waa inay iska afuraan, sida ka sugan Nebiga SCW oo aan soomin xajkii keli ahaa ee uu soo xajay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here