Toban Sanno Kadib Barakac Xoog Leh Oo Ka Billaamay Qeybo Ka Mid Ah Magaalada Muqdisho

0
313

Toban Sanno Waxaa ka bilaamay qaar kamid ah xaafadaha Muqdisho barakac baahsan, kadib markii dadka rayidka ah ay ka cabsadeen in dushooda lagu dagaalamo oo khasaaaro ka soo gaadho.

Waxaa ugu badan ee maanta la arkayo ayaa ah gawaadhi sida furaashyo, carruur iyo hooyooyin ka soo baxsadey xaafadaha laga cabsi qabo in lagu dagaalamo.

Xaafadaha laga barakcaayo waxaa kamid ah Xaafadda Siigaale, agagaarka mowlaca Macalin Nuur iyo xaafado kale oo ku teedsan kana tirsan degmooyinka Hodan iyo Hawlwadaag.

Sannadkii 2011, markii uu Raysalw asaaraha ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u danbeysey dagaalo dadku ka barakacaan oo Muqdisho ka dhaca, wixii ka danbeeyey bixitaankii al-Shabaab bishii Agoosto 2011, waxay ahaayeen qaraxyo dadka lagu dhibaateynaayo, laakiin ma jirin ciidamo safeyn ah oo hubka kiisa culus isla dhaca.

10 Sano kadib oo uu xilkii Madaxweyne ka dhammaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa Muqdisho ka bilaamay dagaalo siyaasadeed, kadib markii uu xafiiska isku dhejiyey muddo korodhsi laba sanno ahna samaystey, taas oo keentey in dadka rayidka ah ay guryahadooda iskaga baxsadaan.

Farmaajo ayaa habeenkii xalay bilaabey in uu ciidamo badan keeno xaafadaha dagaalada looga cabsi qabo, sidoo kale waxaa jira ciidamo kale oo banaanka magaalada laga soo daabuley, waxaana uu ku goodiyey in uu soo afjarayo kooxaha diidan muddo korodhsiga.

Baaqyo caalami ah ayaa loo jeedinayaa dhinacyada isku haya tallada, waxaana loogu baaqey in dagaalku aanu xal ahayn ee dib loogu laabto wada hadalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here