Tunisia Oo Diiday Inay Hagaajiyo Xidhiidhka Israa’iil

0
288

Raysal wasaaraha Tunisia Hichem Mechichi ayaa sheegay in dalkiisu aanu danaynayn in caadi laga dhigo xidhiidhka ka dhexeeya Israa’iil.

Morocco ayaa toddobaadkii la soo dhaafay noqotay xubintii afraad ee ka tirsan Jaamacadda Carabta ee shaacisa xidhiidhka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya Israa’iil bilihii la soo dhaafay.

Intii uu booqashada rasmiga ah ku joogay Faransiiska, Mr Mechichi, oo ka jawaabayay su’aal ay weydiiyeen suxufiyiinta oo ahayd in Tuunisiya ay damacsan tahay in ay raacayso waddada Morocco iyo in kale, waxa uu yidhi “dal walba xor buu u yahay inuu doorto dookhiisa. “

Mr Mechichi ayaa sidoo kale beeniyay in maamulka Trump uu cadaadis Tunisiya ku saaray iney hagaajiso xidhiidhka Israa’iil.

“Ma aanan maqlin wax ku saabsan maamulka Trump oo nagu cadaadinaya inaan raacno wadadii Morocco iyo Emirates” ayuu sii raaciyay.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa todobaadkii hore ku dhawaaqay in Morocco ee ah in ay caadi ka dhigeyso xidhiidhka ay la leedahay Israa’iil.

Taas bedelkeeda, maamulkiisu wuxuu u aqoonsaday madaxbanaanida Morocco dhulka lagu muransan yahay ee Saxaraha Galbeed.

Heshiisyadii u dambeeyey ee xidhiidhada diblomaasiyadeed iyo kuwa ganacsi ay ku kala saxeexdeen Israa’iil iyo saddex dal oo Carbeed ayaa waxay bog cusub u fureen taariikhda dalalkaa cadaawadda gaamurtay dhex taallay.

Mowqifka rasmiga ah ee dalalka Carabta ee heshiiska Imaaraadka iyo Israa’iil ayaa waxa uu kordhiyay cabsida iyo rajada dadka qaar ay ka qabaan in mustaqbalka la arki doono Israa’iil oo galaangal wayn ku yeelata gobolka Carabta gaar ahaan Khaliijka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here