Turkiga oo eryey shaqaale dawladeed

0
389

Maamulayaasha Turkiga ayaa shaqada ka cayriyey in ka badan 10,000 oo shaqaale dawladeed ah, ayadoo looga shakiyey inay xiriir la leeyihiin wadaadka ay xukuumadda Ankara ku eedeysay inuu soo maleegay inqilaabkii dhicisoobay ee bishii Luulyo.
Macallimiin, dhakhaatiir, iyo kalkaaliyeyaal caafimaad ayaa ka mid ah dadka lagu eryey wareegto la soo saaray gelinkii dambe ee Sabtidii.
15 hay’adood oo ah kuwa warbaahinta ayaa iyagana la amray in la xiro. Ma cadda in dadka shaqada laga cayriyey ay ka mid ahaayeen kumanaan qof oo hore shaqada looga fariisiyey, taasoo qayb ka ahayd olole ka dhan ah taageerayaasha wadaadka la yiraahdo Fethullah Gulen oo ku nool Maraykanka, kaasoo lagu eedeeyey inuu doonayey inuu sameeyo dawlad barbar socota tan dalkaas.
Turkiga ayaa hore ugu baaqay in wadaadka loo soo dhoofiyo