Xulufada Sucuudiga oo duqeeyay xabsi ku yaal Yemen

0
316

Wararka ka imanaya dalka Yemen ayaa sheegaya in tobanaan qof lagu dilay xabsi ku yaal dalkaas oo ay duqeeyeen diyaaradaha dagaalka ee xulufada Sucuudigu hogaamiyaa.
Duqaynta waxa lala beegsaday dhisme xabsi ahaan loo adeegsado oo ku yaal xarunta nabad sugidda ee magaalada dekadda leh ee Xudayda ee ku taal galbeedka dalka.
Magaalada waxa gacanta ku haya falaagada Xuutiyiinta oo dagaal kula jiray dowladda ilaa sannadkii 2014-kii.
Saraakiishu waxay sheegeen in sodon qof oo iskugu jiray askarta fallaagada iyo maxaabiis ay ku dhinteen, haseyeeshee warbaahinta Xuutiyiintu waxay tirada dhimashada gaadhsiisay 43.
Xulafadan Sucuudigu hor kacayo ee taageeraysa madaxweynaha Yemen ee dalka dibadda kaga maqan Cabdrabbuh Mansuur Haadi ayaa hore loogu dhaleeceeyey tirada dadka rayidka ah ee ku dhinta weeraradooda cirka.