Ururka Haldoor oo casho sharafeed ku qaabiley Amb. Axmed (safiina) Adan Dagaal Magaalada London.

0
388

Ururka Haldoor oo casho sharafeed ku qaabiley Amb. Axmed (safiina) Adan Dagaal Magaalada London.

London(Warsugannews)- Martiqaad ururka Haldoor caawa (29/8/2015) ku maamuusay safiirka Xajka, Amb. Ahmed Safiina, ayaa in badan oo ka tirsan jaaliyada London ay si wayn uga soo qayb galeen, halkaas oo xubnaha ururka haldoor ay ku soo dhaweeyeen hadalo maamuus iyo hordhacii Cashadda ah Safiirka.

Mubarik Cumar Ibrahim iyo Xamse Jama Iimaan oo ahaa masuuliinta ururka xafladan qaban qaabiyey iyagoo la kaashaday hablaha jaaliyadda ayaa hadalo kooban oo soo dhawayn iyo warbixin ku saabsan qalqaaladda Dugsi loogu tala galay in lagu baro fasamadda Gacanta oo laga dhisidoono Hargeysa kuna kici doona lacag lagu qiyaasay $500.000 oo Ururka Haldoor hindisihiisa waddo.
Xubnaha ururku waxay sheegeen in hawshaasi meel fiican u marayso urur ahaan dalkan ingriiska iyo dalalka kaleba dhinaca dawladdana ay ku hanweyn yihiin in door libaax ay ka qaadan doono.
34

Ambasadoor Ahmed Safiina ayaa isna goobta ka jeediyey hadalo iskugu jira mahadnaq iyo warbin dhinaca wax qabadka dawladda ah, isagoo sheegay in dawladu waxbadan oo la taaban karo qabatay, wax dhimanina ay jiraan oo loo baahan yahay in qurbajoogtu gacan ka gaysato sida dhismayaasha wadooyinka socda guud ahaan, gaar ahaana uu ka magacaabay waddadaa Ceerigaabo oo uu sheegay in dalka isku xidhkiisa ay muhiimad weyn u leedahay iyo Wadda Cad oo uu jaaliyadda ku guubaabiyey in ay dhakhso uga hawlgalaan lacagtii qurbojoog ahaan ingriiska ku soo qaybtay oo dhan $170,000.
29
Safiirku mar uu ka hadlaayey Dugsiga Fasamadda Gacanta ee Ururka Haldoor wado wuxuu sheegay in Dawladu ugu deeqday dhul aad u balaadhan oo noqon kara dugsi weyn oo farsamo gacmeed soo na dhawaynayso dadaalka uu ururku ugu jiro hirgelinta dugsigaa loo bahan yahay.

16
Xasan Macalin Cismaan oo ka tirsan jaaliyadda Galbeed ka London ayaa ayaa Safiirka waydiiyey halka uu ku danbeeyey dayrkii uu Madaxweynuhu dhagax dhigay ee Dhakhtarka Salaxley ee uu safiirkuna goob jooga ka ahaa. Amina Xaashi Guleed ayaa iyana ka hadashay baahida loo qabo dhamays tirka dhakhtarka Sallaxley iyo in uu fusho balantaasi.

Safiirka ayaa ka jawaabay dhawr suaalood oo jaaliyadu waydiisay isagoo ku daray in wixii dhiman ama tabasho ah loo baahan yahay in la dabogalo oo lays xusuusiyo.

Kulan kaasaasi wuxuu ku soo dhamaaday casho sharaf iyo maamuus sare.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here