Culimada Sune-Wajameeca Oo Kulan Ku Qabsaday Bariga Magaalada Hargeysa

0
469

Culimada Sune-Wajameeca Oo Kulan Ku Qabsaday Bariga Magaalada Hargeysa

Hargeysa(warsugannews)- Qaybo kamid ah Dhalinyarada Culimada Sune-Wajameeca ee Ahlu Qaadiriya, ayaa kulan balaadhan oo ay ku qabteen Huteelka Shiraacle ee Magaalada Hargeysa baaqyo kala duwan ugu gudbiyay, Madaxweyne Siilaanyo iyo Xukuumadiisa kuna taageeray kulankii ay Xukuumada la yeesheen Culimada waaweyni ay ku gudbiyeen tabashooyinka ay qabaan.

Kulankan oo ay kasoo qeyb galeen Qeybo kamid ah Culimada Sune-Wajameeca(Qaadiriya), iyadoo kulankoodani daba socdey kadib markii, ay dhawaan cabashooyin u gudbiyeen Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland, Cali Maxamed Warancade islamarkaana, kulan kula qaateen Xarunta Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland.
Sune1

Ugu horayn waxa ka hadlay Sheekh Xasan Albasri oo ka hadlay ujeedada iyo ahmiyada uu xambaarsanaa kulankani

1-Baaqa Gaadhsiinta iyo ogaysiinta in shir guud ay qabsanayaan
Culimada Sune-Wajeemaca ee (Alqaadiriya)
2 inay taageersanyihiin dhilinyarada Sune-Wajameeca Kulankii hore u
dhex marey Culimada Waaweyn iyo Xukuumada.
3-iyo in ay sicad u ta akiidiyaan adkaynayaana shirkaas.
Waxa kaloo kahadlay Kulankan Wasiirkii hore ee Diinta iyo Awqaafta xiligii Xukuumadii Marxuum Cigaal Sheekh Axmed Muxumed (AAyatulaah) isagoo aad ugu dhaliilay Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo in ay aad uga
dhega adeygto soo jeedimaha Culimada Sune-Wajameeca ee (Qaadiriya), gaar ahaana waxu is dul taagay in aan loo dul qaadan doonin sida Arimaha Hogaaminta diinta loo wado oo uu ku dheeraaday hadii aan Madaxweynahu si deg deg ah wax uga qaban ay cawaaqib xumo Diimeed ka dhalandoonto.
“Hadii Madaxweynuhu wax ka qaban waayo sida maanta loo hogaaminayo Diinta waxa ka dhalan doonta cawaaqib xumo diimeed, waa in Madaxweynuhu si degdeg ah wax uga qabtaa”Ayuu yidhi Sheekh Ayatulah.
sune3

Sheekh Khaalid Yuusuf Jaamac,oo isaguna halkaa ka hadley ayaa sheegay, in ay aad uga xunyihiin sida Madaxweynahu koox gaara ugu daba fadhiistay diinta Islaamka haday noqoto xaga fatwada iyo xaga
manaahijtaba.
Waxa kale oo ka hadley, kulankan,Khadar Hindi Bootaan,oo sheegay in ay cadaalad daro katirsanayaan Wasaarada Diinta iyo Awqaafta isagoo tusaale u soo qaatay in Wasaaradu diintu in tii ay dawladani jirtay ay qaadaty shaqaale ka kooban 60 qof oo dhanwalba ah waxaanu sheegay inaan lagaga darin Culimada Sune-Wajameeca taasina kamid
tahay,tabashooyinka ay ka tabanayaan Xukuumada.
Maxamed Cabdilaahi Jaamac oo isna ka hadlay kulankan ayaa, si gaar ah farta ugu fiiqey Manhajka Diinta Islaamka ee loo dhigo caruurta yar yar in labedaly intii ay jirtay dowladan uu gadhwadeenka ka yahayMadaxweyne Siilaanyo isagoo sheegay, in hadii lasii wado ku Tacadiga iyo ku danaysiga Diinta Islaamka in aaney taasi fiicnaan doonin
isagoo Shacbiga iyo dawladana ku dhiiri geliyey in lagu dhaqmo mabda,ii ay hore uhaysan jireen Bulshada Somaliland ee shaaficiga ahaa.
sune2
Waxa isaguna kulankan ka hadley Guuleed Maxamed Ismaaciil Bulaale oo kamid ah dhalinyarada Culimada Sune-Wajameeca islamarkaana,ku dheeraaday ahmiyada uu leeyahey Kulankoodani isagoo baaq iyo fariimo u
gudbiyay Golayaasha Qaranka, in la ilaaliyo arimaha xasaasiga ah ee dastuuriga ah kuwaaso ay Xukuumadihii ka horeeyey Xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Siilaanyo ay ku dhici waayeen arimaha diiniga ah sida ay u adagyihiin in dhinac qudha iyo talo goon ah laga qaato.
“Madaxweynuhu waxa uu dhawaan Magacaabay 11ki mufti ee loo daba fadhiisanlahaa diinta islaamka Somaliland waxaana laga qaatey Culimadaas dhinac kaliya, ma aha taasi mid lagu qanci karo, kumana jiraan culimada Sune wajameeca”Ayuu yidhi Guuleed Maxamed Ismaaciil Bulaale.

Waxaanu intaa ku darey hadalkiisa in Xisbiyada Mucaaradka ah Looga baahan yahay in ay arintan dhinacooda uga haowlgalaan waxna kala qabtaan islamarkaana, tusaan Xukuumadu dhaliisha ay ku leedahay in Culimada Sune-Wajameeca ee Somaliland muqadaska ka aheyd in kaalintooda ay ka muuqdaan Dalkan.
sune4
Ugu dambayntii waxuu guuleed Madaxweynaha Somaliland usoo jeediyey in Arimaha diinta ee sida u adkaa ee xasaasiga ah in aanu ku degdegin hadii uu isku dayona uu talo layeesho dhamaan firqooyinka Diinta ee
dalka Somaliland.
Waxaanu Guuleed Maxamed Ismaaciil Bulaale kaga dhawaaqey Goobtaasi in Culimada Sune-Wajameeca looga baahan yahay, in ay isugu yimaadaan shir guudo ay qabsanayaan sidaana ay u ogaadaan dhamaan culimada
dhalinyarada iyo waxgaradka Sune Wajameeca meelkastooy joogaanba.
Waxa kale oo kamid ahaa Culimada dhalinyarada Sune-Wajameeca ee ay kamidka yihiin khadar Ismaaciil Axmed Sheekh Maxamed Saleebaan Cali.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here