Gudoomiyaha Cusub Ee Maxkamada Degmadda Gobolka Maroodi Jeex Garsoore Cabdirashiid Maxamud Xirsi Beergeel

0
991

Gudoomiyaha Cusub Ee Maxkamada Degmadda Gobolka Maroodi Jeex Garsoore Cabdirashiid Maxamud Xirsi Beergeel.

Hargeysa (warsugannews)- Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Sharciyaqaan Adem Haji Ali Ahmed Ayaa Markay Taariikhdu ahayd 22 Augst 2015 Dib Uugu Soo Magacaabay Maxkamada Degmadda Gobolka Marodi Jeex Gudoomiyhii Hore Ee Maxkamada Degmada Marodi Jeex Mudane Abdirashid Maxamud Xirsi Beergeel.

Garsoore Cabdirashiid Beergeel oo ahaa Garsoorayaashii Uugu Firfircoonaa ee Maxkamadaha Hoose Gaar ahaan Maxkamada Degmadda Muddo Badana ka Ahaa Gudoomiyaha Maxkamada degmada Maroodi Jeex, Isagoo Waliba Caan Ku Ahaa Shaqo Wanaag, Cadaalad iyo Dhiiranaan Cadaaladeed Shicibweynaha Ree Somalilandna Gaar Ahaana Kuwa Gobolka Maroodi jeex ka Aaminsanayeen “Shaqsi Cadaaliya” IInuu Yahay “CADAALI ILLAAHAY AYAA CADAALAD U AHAATAYE” .

Sidaas Daraadeed iyadda oo ay jirtay in si aan Cadaalad Ahayn Looga Badalay Maxkamadda Degmada Hargaysa Markii Danbana Gabi Ahaanba Xilkii Iskaga Tagay Balse ay Tabeen Dadweynihii Ree Maroodijeex Cadaalad Wanaagiisii iyo Go’aamadii Degdega ahaa iyo Cadaaladiisii.

Taasina Ay Cadaynayso Ku Soo Celintan Mar Labaadka In Loo Soo Magaacaabo Xilkan Miisaanka Leh in laga Maarmi Waayay Shaqo Wanaaagiisii iyo Cadaaladiisa.

Sida Ilo Xog-ogaal ah Aanu Ku Helnay Waxa Uu Gudoomiye Cabdirashiid La Wareegay Xilkii Gudoomiyanimo Oo Uu Ku Wareejiyay Gudoomiyihii Hore ee Maxkamadda Degmadda Garsoore Yuusuf Dalal Wuxuuna Madal Loo Dhammaa Kula Wareegay Isla Xafiiska Gudoomiyaha Xilkii iyo Wixii Shaqo Markaas Taalay, Madal Dadweyne Ka Soo Qeyb Galeen Loogu Kala Wareejiyay.

Haddaba Gudoomiye Abdirashiid Ma Yahay Mid Kiisaskan Hadda Horyaalla iyo Kuwa Inta Ka Dhiman Sanadka Isku Soo Wada Gabagabayn Karaya, Waxaanu u Joognaa Waa Gudoomiye Cabdirashiid Oo Sidii Lagu Yaqaanay karti iyo Awood Badan Galin Doona Hawshan Iyada Ah.

v 1226 Kiis Oo Madaniya 688 Kiis oo Ciqaab ah iyo 97 Kiis oo D

Haddaba Sida Aynu Wada Ogsoonahay Xeer Nidaamiye Waafaqsan Dastuurka Somaliland Ayaa Gudoomiyaha Maxkamadda Degmada Siinaya Awoodahan Iyo Qodobka uu Yahayba Waana Waajib In Shicibweynaha Ree Somaliland Bartaan Kana Dhugtaaan.

Qod.18aad

Maxakamadda Degmada

1. Maxkamadda Degmadu waxay u qaybsantaa.

1) Qaybta Arrimaha Qoyska .

2) Qaybta madaniga.

3) Qaybta Ciqaabta.

4) Qaybta Dacwaddaha Fulinta

5) Qaybta Dacwadaha Ciqaabta Caruurta

2. Maxkamadda Degmadu waxay awood u leedahay xagga qiimaha iyo maaddada dhegeysiga dacwadaha arrimaha qoyska, dacwadaha madaniga ah ee qiimahoodu gaadhsiisan yahay ilaa 3,000,000 (sadex milyan ) Sl. Sh. Iyo dacwadaha ciqaabtoodu ugu sareyso (3) sano ama/iyo ganaax Lacageed oo aan ka badnayn 3,000,000 ( sadex milyan Sl.Sh.)

3. Maxkamadda degmadu waxaa kale oo ay awood gaar ah u leedahay arrimahani soo socda:

a) Sugida qoraalada iyo cadaymaha sharci

b) Qaybinta dhaxalka

c) Xaqida Nabarada, dhaawacyada iyo qoomaha

d) Ogolaanshaha iyo diiwaangelinta masuuliyada xanaanaynta caruurta

e) Diiwaangelinta iyo ansixinta heshiisyada Guurka (Meherka) iyo furiinka

f) Hawlaha kale ee Xeer u xilsaaro.

Cadaaladu Waa Shayga Kaliya Ee Qaran Dhidibadda U Taagi Kara Bahda Garsoorka iyo Cadaaladana Hadaad Moodaa In Sidii Loogu Tallo Gallay Dhabada U Hayso.

Masuul kastoo Oo Bahda Garsoorka iyo Cadaalada Ka Tirsan Waxa Si Gaar Ah U Saaran Waajib Qaran Kaasi oo ah In Umadda Ay Ku Hagaan Lagana Dheehdo Waji Cadaaladeed, Aaminid iyo Waliba Kalsooni Galin Shacabka Ay Cadaalada U Hayaan.