Waa Kuma Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro? By: Abdinaazer Awad Dooyo

0
468

Waa Kuma Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro?

in ka badan muddo bilo ah ayaan raad guraayay taariikhda Cabdiraxmaan Cirro gudoomiyaha Golaha Wakiilada, ilaa imika waxaan dhaafi la’ahay, cabdiraxmaan cirro, musharax xisbiga UCID, xubin baarlamaan, gudoomiyaha golaha wakiiladda, safiir kuxigeenkii Ruushka u fadhiya dawladii Somaliya.

Gudoomiye cirro, intii halgankii waddanka dib loogu xoreeyay uu socday kamuu soo agwareegin halgankii hubaysnaa ee SNM, gude iyo dibadba laguma dhax arag dhaq dhaqaaqyadii. Dublamaasiyadeed ee lagu ridaayay dawladii kaligii Taliyihii siyaad Barre.

Mudane Cirro kamuu mid ahayn siyaasiyiintii, aqoonyahankii iyo odayaashii dib hashiisiinta ka qayb-qaatay, ee dhidibada Somaliland u taagay, sida shirarkii Burco, Boorama iyo gobolada kale.

Waxa la’soo maray Halgan dheer oo dhinacyo badan taabanaaya, mar waxa la’waday dib hashiisiin beelaha wada daga Somaliland, waxa la’qabtay shirar badan oo layskugu keenaayo Beelaha walaalaha ah ee reer Somaliland. Kuwaas oo ka dhacay sida aynu kor ku soo sheegnay Burco, Sheekh, Boorama iyl Gobolo kale.

Waxa la’ dhisay xukuumad ka timi halgankii oo uu hogaaminaayay Cabdiraxmaan Calik Tuur, xukuumadaas oo talada Dalka haysay muddo 2 sanno ah sida uu hashiisku ahaa, waxa lagu shiray magaalada Boorama halkaas oo lagu doortay madaxweyne Maxamed X. Ibraahim Cigaal `1993-KII, waxa la’dhisay xukuumadii fulinta, Baarlamaan Gole Guurti,

Waxa jeclaa in qoraalkaygan aan ku soo qaato Golaha Baarlamaanka ee wakhtigaa uu dhisay Marxuum Maxamed X.Ibraahim Cigaal waxa ku jiray madaxweynaha Imika Haya Talada Dalka Mudane Axmed Maxamed Maxmuud Siilaanyo, Ibraahim Meegaag Smatar iyo Ragg kale oo haldoor ahaa oo ku jiray Halgankii dheeraa ee Dib u xoraynta qaranimada JSL iyo halgankii kale ee dhidibada loogu taagayay dhismaha Dawladeed ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Cirro waa muwaadin reer Somaliland oo xaq u leh in uu wax doorto lana Doorto, waa xildhibaan ka soo baxay Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka UCID waa Gudoomiyaha Baarlamaanka ahna oo lacagaha ama Miisaaniyada qaran ee Dalka uga faa’idaysta dhismaha xisbigiisa, Mudane Cirro sannadkii waxa uu ka faa’idaa Golaha Baarlamaanka Lacag dhan $100, 000 Dllar sida ilo-wareedyo u dhuun daloolaa u xaqiijiyeen Shabakadda SOMALILANDMEDIA.CO, in uu Mudane Cirro uu Miisaaniyadaa uga faa’idaysto kharashaadka Xisbiga Waddani, waxa tusaale kooban kuugu filan Gudoomiyaha musuq maasuqa ee Golaha Wakiiladu waa Waddani, Gudoomiyaha Gudida Joogtada ah ee Golaha Wakiiladu waa Waddani, su’aashu waxa ay tahay Xisbiga Waddani ma yahay xisbi raba hanashada Hogaanka Dalka mise waa xisbi u abuuran helitaanka kharashaad maaliyadeed. Gudoomiyaha Xisbiga Waddani waa kii Maalintee, waa kuma Taariikh intee leeg ayuu lee yahay Dalka iyo Bulshada reer Somaliland.

Mudane Cirro waxa uu sumcadii Golaha ee uu Gudoomiyaha uu u yahay dhulka Jiiday markii uu qacan ka hadal iyo Hadalo caadifadaysan iskugu daray ku xigeenkiisa Baashe, waxa Hadaladaa ku wahelinaayay wiilka ina Buubaa ee inta badan Adeerkii aaminsanaa fikirka Soomaaliweyn.

Muwaadin doorashada hogaanka dalka maxaad ku qiimaysaa,

1. Qofka ama musharaxa madaxwaynaha waa in uu dhalasho ahaan ka soo jeedaa Somaliland.

2. Waa in uu shaqo ku lahayn wax dambiyo ah.

3. Qiimaynta Barnaamijkiisa Siyaasadeed ee uu soo bandhigaayo

4. Inta uu aaminsan yahay jiritaanka waddanka iyo Qaranimadda Somaliland.

5. Ma’dooran Lahayd Hogaamiye aan ogayn xanuunka iyo Dhibka Loo Soo Maray Qaranimada Dalka Somaliland.

6. Ma’Dooran Lahayd Hogaamiye aaminsan Fikir Khaldan oo Hore Bulshadani ugu Hoobatay, mise waxaad Codkaaga iyo Kalsoonidaada Siin lahayd Hogaamiye Aaminsan Rabitaanka Shabka reer Somaliland

Dawlado badan oo ka mid ah caalamka ayaa hogaamiyaashooda laga soo cumaamadaa wadamo shisheeye, si ay ugu adeegaan danaha wadamadii soo cumaamaday.

Dhanka hogaaminta anigoo ixtiraamaya qolada Xisbiga Waddani, cabdiraxmaan cirro, waxa uu horjooge ka yahay xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland oo ka kooban 82 MUDANE waxa uu cirro maamuli kari la’yahay 82 Mudane oo inta badan xildhibaanada aqlabiyadu in kabadan 60 Mudane ay ka soo horjeedaan imikana u kala fadhiyaan laba qaybood. Dib u milicso xisbiga uu hogaamiyo Cirro magaciisa Waddani, waayo Waddani………hadda ku darsoo adiguba akhriste qof Waddaniya oo reer Somaliland ah waad tahay, yaa laga dhaadhicinayaa Waddani, dhamaan Bulshada reer Somaliland waxa ay aaminsan yihiin in ay yihiin Muwaadiniin reer Somaliland ah.

Dawladaha carabta ah ayaa inta badan lagula dhaqmaa siyaasadan, oo hogaamiyahooda oo laga soo cumaamado Wadamo kale, sida Afghanistan, Libya, Iraq, Somalia iyo wadama kale oo badan

Muwaadin adigaan kuu dhaafayaa Cabdiraxmaan Cirro waa kuma, Halkee uu kaga xusan yahay Soyaalka Taariikheed ee Somalind?

Masiirkaaga waa in aad hubisaa meesha uu ku ciiraayo.

Editor: Abdinaazer Awad Dooyo