Waa Kuma Ninka Caadaystay Inuu Ku Gabado Somaliland wikileaks iyo Magacyo Aan Jirin Una Guntaday Ceebo Qaranka Somaliland Dhaawaca Iyo Lafjabka Ku Ah?

0
362

Waa Kuma Ninka Caadaystay Inuu Ku Gabado Somaliland wikileaks iyo Magacyo Aan Jirin Una Guntaday Ceebo Qaranka Somaliland Dhaawaca Iyo Lafjabka Ku Ah?

Hadaba Tuug la qabtay talo maleh ayey Soomaalidu hore ugu maah-maahday, waxaana muddooyinkii u danbeeyey shacbiga Somaliland dhega barjeeyey nin u xidhay shaadh aan ahayn kiisa iskuna dayey inuu dhaawaco qaranimada Somaliland iyo karaamada shacbiga Somaliland, isagoo isleh cidi soo heli mayso magacaaga iyo qofka aad tahay balse nasiib wanaag dedaal iyo dabagal dheer waxa aan soo ogaaday ninka ku shaqaysta magacyada kala ah Somaliland wikileaks, Cabdi Jama Ali, Codka shacabka ama Codka, The Voice. shebekada, www.somalilandlive.com  iyo qaar kale oo badan waxaanu marwalba xooga saaraa meelaha ay arrini ka jirto isagoo dhinaca xun wax ka eega siina qod qoda xaaladaha taagan wakhtigaasi si shacbigu isaga horyimaado oo ay u dhacdo wax ka sii wayn wixii hore u jiray.

Ninka u qalab qaatay arrntaasi maaha shaqsiga sidaan qoraalkayga sare ku xusay magaciisu yahay Cabdi Jama Ali ee waxa uu sax ku yahay magaciisu Eng: Maxamed Jaamac Axmed (maskax) oo hore u ahaan jiray Gudoomiye xigeenkii hore ee warfaafinta xisbiga kulmiye wakhtigii uu mucaaridka ahaa balse aan ka mid noqon masuuliyiintii la jaan qaaday xukuumadii ka dhalatay xisbigaasi Kulmiye, isagoo markaasi isu arkay in laga maarmay oo aan qiimo ku lahayn xukuumada iyo xisbigii uu la soo jaan qaaday, waxaanu markiiba u booday in uu isu sharaxo booska mucaaridnimo oo uu xukuumadii uu isagu soo dhisay kana midka ahaa uu ka soo caayo dibeda balse taasi waxay dhaawacday sumcadii uu kulahaa bulshada waxaanu noqday qof ka tilmaaman shacbiga qofkii arka ama la sheekaystaana waxa uu ugu jawaabay horta shalay iyo maanta iyamaad waalnayd, taas oo uu cuqdad nafsi ka qaaday Mr Maskax.

Taana waxa u jawaab uga dhigay maqaalo taxane ah oo uu ugu magac daray Maanta shalay dhaantey, balse taasi waxba kama bedelin aragtidii laga aaminay ninkaa odayga ah, hadana waxa uu isu rogay oo uu is yidhi waayahaaga mar danbe ha la qaybsan bulshada, nasiib daro se kumuu kuulaysan in uu xaka meeyo naftiisa iyo afkiisa ee waxa uu hadana noqday cadawga koowaad ee shacbiga iyo qaranka Somaliland waxaanu bilaabay inuu samaysto mareego dhawra oo uu ka samaystay goobaha ay ku kulmaan bulshadu sida facebook-ga, Twitter-ka. Youtube-ka iyo Websites ka, waxaanu u ban baxay weeraro aan kala go’lahayn isagoo qarinaaya magaciisa, iskana dhigaya qof aanay shacbigu aqoon u lahayn waxa uu soo gudbinayaana ay yihiin run.

waxa aan shacbiga reer Somaliland u sheegayaa inuu qofkaasi yahay Eng: Maxamed Jaamac Axmed (maskax) ee aanu ahayn magacyadaasi been abuurka ah ee uu u isticmaalo social Media