War Deg Deg Musharaxiinta Iskugu Soo Hadhay Wareega Labaad Ee Doorashada Madaxweynaha Somaliya Oo La Shaaciyey Iyo Codadka Ay Heleen iyo Mid kii U horeeyey oo Is Casilay iyo Wareega labaad oo hda la bilaabay

0
388

War Deg Deg Musharaxiinta Iskugu Soo Hadhay Wareega Labaad Ee Doorashada Madaxweynaha Somaliya Oo La Shaaciyey Iyo Codadka Ay Heleen

Muqdisho(WSNwareegii koowaad ee doorashada madaxweynaha somaliya ayaa la soo gaba gabeeyey iyada oo ay soo dhamaatay tirintii codadka. Gudoomiyaha golaha shacabka Somaliya Maxamed Cismaan Jawaari ayaa ku dhawaaqay natiijada ka soo baxday wareega koowaad ee doorashada madaxtinimada somaliya. Afartii musharax ee loo baahnaa inay ku soo baxaan wareega koowaad ee doorashada ayaa noqday Xasan Sheekh Maxamuud, Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke Iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, kuwaas oo helay codadkan Xasan Sheekh Maxamuud ayaa helay 88 cod, Maxamed Cabdilaahi Farmaajo waxa uu helay 72 cod, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo helay 49

Waxaana isla markiiba is casilay oo goobta kaga dhawaaqay Cabdirashiid Cumar Sharmaake oo sheegay in ay u muuqato halka loo socdaa sidaa awgeedna uu iska casilay madaama oo uu yahay qofkii u danbeeyey ama ugu hooseeyey afarta murashaxa ee wareega hore ku soo baxay waxa hada iyana la bilaabay wareegii labaad oo ay ku tartami doonaan saddexdaa murashaxa ee isku soo hadhay

Kala Soco wnatiiyada iyo halka la isla marayo warsugannews.com