Waa Sidee Xaaladda Somaliland Xilli Ay Doorashooyin Soo Dhow Yihiin, Xilka Madaxtooyana Ka Hadhay Sannad Iyo Badh

0
264

Waxa aan qoraalkaygan ku eegayaa bal in aan sawir ka siiyo dadkayga iyo dalka guud ahaan xaaladaha uu ku jiro iyo sida ay wax iigu muuqdaan,  xili ay doorashooyinkii wakiilada iyo deegaanku dhow yihiin , isla markaana xilka madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland iyo xukuumada xisbiga kulmiye uu ka hadhsan yahay sanad iyo badh kali ahi , oo aanay dalka ka muuqan wax waxqabad iyo horumar ah guud ahaan.

Madaxweynaha laftiisa ayaa ka garaabay in aanay xukuumadiisu waxba qabanin oo ay ku qaadatay mudo sadex sanadood ah in uu dhameeyo xanaftii doorashadii madaxtooyada ee dhacday  2017 , arinkani ayaa loo fasiran karaa macneyaal badan in uu leeyahay oo ahaa;

1- In uu deegaanka uu ka soo jeedo oo uu la hadlayey leeyahay waxba idiin ma hayo isaga oo laga sugayey balanqaadyo badan oo uu xiligii kaambaynka uu sameeyey iyo qaar dadka goboladaasi filayeen .

2- In uu rabo in uu mudo kordhin sameysto oo uu u sii qiil banaysanayo , taasi oo laga dareemayey safaradiisii u dambeeyey ee uu dalka marayey oo u ekaa qaar kaambayn doorasho.

3- In uu rabo in uu mar labaad isku soo taago booska madaxweynaha qaranka oo uu murashax yahay una sii quus goynayo cidii han kaga jirey mudo xileedkiisan waxii ka dambeeya ee xisbigiisa ahayd .

Xaga dimuqaradiyada iyo doorashooyinka xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay madaxweyne biixi waxa ay noqotay xukuumadii ugu horeysay ee mudo xileedkeeda  labadii sano ee ugu horeeyey doorasho qaban kari wayday marka loo eego labadii xukuumadood ee ka horeeyey intii dalku u guuray nidaamka dimuqaradiga iyo axsaabta badan.

Mudo xileedka xukuumadani waxa ku soo beegan 4 doorasho oo la eegi doono sida ay uga baxdo oo kala ah;

1- Doorashada golaha wakiilada iyo goleyaasha deegaanka oo la mudeeyey 31-May-2021.

2- Doorashada golaha guurtida oo hal sano ka dambayn doonta marka la qabto doorashada golaha wakiilada jamhuuriyada Somaliland.

3- Tartanka ururada iyo axsaabta siyaasada oo ku beegan dhamaadka sanadka 2022 ayna tahay in June 2022 la sameeyo gudiga diwaangalainta ururada iyo axsaabta siyaasada.

4- Doorashada madaxtooyada oo ku beegan 13 Nov 2022 .

Xaga xuquuqal insaanka iyo xoriyatul qawlka waxa ay noqotay xukuumadani hada talada haysaa xukuumadii ugu liidatay ee Somaliland soo marta ee dadkeeda cabudhisa oo la daba taagan xoog iyo xadhig iyo tab iyo xeelado warbaahintii madaxa banaanayd dhamaanteen lagu wada fadhiisiyey taasi oo caqabad ku ah hanaanka dimuqaradiyadeed ee jamhuuriyada Somaliland.

Xaaladaha Nabadgalyo Iyo Xasiloonida Siyaasadeed Ee Dalka

Guud ahaan dalka jamhuuriyada Somaliland xiligani waa mid xasiloon xaga nabadgalyada  oo aanay jirin xaalado dagaalo lagula jiro dawlado kale iyo dagaalo beeleedyada inta badan ka dhex dhaca dadka jamhuuriyada Somaliland .

Xaga siyaasadana dalku waa xasiloon yahay oo ma jirto murankii iyo isqabsigii axsaabta mucaaridka ah iyo xukuumadu oo waxa heshiis lagu yahay in dalka doorashooyin ka dhacaan kuwaasi oo sababay in dalku siyaasiyan uu yahay mid xiligani aad u xasiloon marka aad soo eegto taariikhda sanadihii ugu dambeeyey ee Somaliland.

Xaaladaha Nololeed Ee Dadka Somaliland Siday Yihiin Xiligani?

Xiligani oo dalka jamhuuriyada Somaliland ku jiro duruufo adag  ayaa xaaladaha dalka marka aad eegto ay yihiin qaar aad u cakiran oo nolosha dadku aanay ka soo kabanain dhaqaale daradii iyo dhibaatooyinkii ka soo maray xanuunka Coronavirus oo saameyn xoogan ku yeeshay guud ahaan dadka jamhuuriyada Somaliland.    Waxa kale oo jirta in xiligani ay gobolada iyo deegaanada qaar dalka ay soo waajaheen biyo yaraani oo jiilaalkii dheeraaday , oo la galay biyo dhaamis iyo gurmad taasi oo aanay xukuumada jamhuuriyada Somaliland haba yaraatee wax dedaal ah oo ay wadaa aanu muuqan. Qalinka: Maxamed Cabdi Jamac (Maxamed Dhimbiil)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here