WAAN KU FUREE FACEBOOK HA KUQABO

0
426

ARIMAHA BULSHADA
WAAN KU FUREE HA KUQABO FACEBOOK
Xamda waxay ahayd gabadh dhalinyaro ah da,deedu kudhawdahay 23 jir aad u istcimaasha facebook waxay leedahay asxaab aad ubadan sawirada ay soo dhigto daqiiqado gudohood ayaa LIKE gaadhi jirtay 500 ,comments ka tiro malaha.
waxay xidhiidh la lahayd wiilal badan oo asxaabteeda kamida waayo hore ayaa loo yidhi dumarku 1000 ayay shiriyaan kowna way kala baxaan qaar ay jaceel dhaba uqaaday iyo kuwo ay friends kula socotayba, waxba hadal ayaan kugu daaline waxay inantani jecleed inay mar uun hesho qof ay nolol farxad leh lawadaagto waxay isbarteen wiil kayimi dalka maraykanka oo hanti leh lana yidhaa mustafe
mustafe wuxu go,aan ku gaadhay inuu gursado xamda kadib waa la isla qaatay habeenkii arooska xamad aad ufaraxsan ayaa soo gashay qolka qurxinta ee dumarka ama koofeerka hadba qof siduu uyaqaan dumarka joogay qolka qurxinta waxay kari waayeen inay udhisaan timaha una qurxiyaan wajiga xamda sababtoo ah waxay kumashquulsaneed FACEBOOK inay eegto kolba inta qof ee arooskeed comment ka bixisay una jawabto iyadoo xaaladaa kusugan ayaa la gaadhay goortii latagi lahaa hudheelka arooska.
xamda oo aad ufarxsan ayaa xaajigeeda cusub lasoo raacday gaadhiga arooska iyo aroosada loo diyaariayay mudo yar kadib ayaa waxaa soo dhacay comment markay eegtay waxaabay aragay comment uu soo qoray wiil ay jaceel dheer wada wadaageen kaasi uu udhignaa sidan
HALKAAD IGA JIRTAABAA WARANKA IIGA SOO DHACAY
DHAQDHAQAAQA XOOGIYO DHIIGAA IQULQULAYEE MIYAAD HAMIGAAGA BEENTA AH HALAAN HAL KUSII WADAA HADHQODAAL AAN KUHAYN MA INAAD HADHSATAAD RABTAA
MA ILAAWI DOONO SIDA AAD QALBIGA IIGA JABISAY INTAAN NOOLAHAY!!!!
ereyadaas waxay kudhaliyeen xamda warwar iyo walaac aan hore uhayn waxay ilawday inay aroosada tahay oo loo baahan yahay inay faraxdo waxaa dareemay odaygeeda cusub xaalada ay kusugan tahay dhawr jeerna wuxu arkay iyadookumashqulsan telefoonka gacanta
Waxaa lagaadhay xiligii la gali lahaa hudheelka aroska xamda war mahayso waaba ilawsan tahay inay aroosad tahay waxay kumashquulsan taay commnents asxaabtu kabixinayaan arooskeeda mid caaya iyo mid amaana labadaba kolba heer ayuu marayaa shucuurteedu hase yeeshee hadda waba isku dardarsan tay sababtoo ah waxay xasuusatay jacaylkii ay waqtiga dheer wiilkaa lawadaagtay iyo halkay kaga dhaqaaqday waxay dib u eegtay ereyada uu kusoo xardhay goobta arooskeeda lagaga hadlayo runtii mustafe oo gacanta jiidaya ayaa ujiiday dhinaca hoolka arooska dadka oodhan way yaaban yihiin sababta ay lamurugaysan tahay xamda sababtoo ah ma oga inay tahya qof uu qaatay FACEBOOK inyar markii lagu jiray xaflada ayaa markaliya xamda kuwarheshay iyadoo loo yeedhayo si ay ujaraan keega arooska nasiib daro xamda ma awoodo inay jarto keega waayo wali waxay kumashquulsan tahya facebook iyo comments ka dadka ay asxaabta yihiin
arooskii wuxuu kudhamaaday si aan cidiba garan oo geeri u eeg guriga markay tageen mustafe ayaa intuu telefoonka ka qaaday oo gidaarka kudhuftay ku tiraabay WAAN KUFUREE HAKUQABO FACEBOOK.
sheekadan waxay uga digaysaa dumarka inaanay kumashquulin waqtigodana uhibayn FB
Xigasho buuga dhibaatada Facebook kuhayo bulshada