Waar Ka qabta Wuxu Bisadd Maahee Waa Libaax Gaajoodaye!!! Sheeko Iyo Shiish‏ By: Sacad Balaaki…

0
672

Waar Ka qabta Wuxu Bisadd Maahee Waa Libaax Gaajoodaye!!! Sheeko Iyo Shiish‏
By: Sacad Balaaki…
Sheekadan Waxa layidhaahdaa dagaalkii bisadaha.!

waxaanay ka dhacday magaalo madaxda dalka somalia ee muqdisho xiligii burburkii dawladii keli talisaka ahayd ee Siyaad Bare talada laga tuuray ayaa sida la xuusanyahay waxa dalka somalia yimi ciidamo ka socda qaramada midoobayn oo ay hor kacayso dawlada maraykanku waxaana ciidamadaa lagu magacaabi jiray Unsom Hadaba hadaa usoo daadego dulucda sheekada nin kamida saraakiishii hogaaminaayay ciidamadaas oo isagu u dhashay dalka maraykanka ayaa markii kasoo ambabaxaayay dalkiisii wuxuu hore kasoo kaxaystay Bisadiisii waynaga aragnay oo had iyo jeer gaaladu waxay wataan Ay ama Bisad markaa ninkan sarkaalka ahi wuxuu soo kaxaystay bisadiisii Islamarkaana waa bisad aad u wayn oo barwaaqo ku kora oo dee kolay waad garanaysaa bisad ama xaywaan la xanaaneeyay inuu ka koranyahay xayawaanka kale ee ay isku midka yihiin hadaba waxba yaan hadal idinku daalinine ninkii sarkaalka ahaa wuxuu bisadiisii iska wataba maalintii dambe ayuu suuqa usoo baxay iyadoo bisadiina la socoto Waayahay waxaanu damcay inuu soo adeegto markuu soogaadhay goobtii uu ka adeeganaayay ayaa waxay isla gaabtii ama Dukaankii ay Bisadiisii Ku kulmeen bisad kale oo aad uga muuq iyo itaal yar bisadiisa Markay labadii bisadood is arkeen ayay isu guuxeen sidii caadada u ahayd bisadaha dabeedna waxay bisadihii isu goolaaftamaanba oo ninkii sarkaalka ahaana daawanaayo isagoo isle bisadaada ayaa tan diciifka ah dilaysa

Ayaa waxa dhacday inay labadii bisadood isku boodaan markii ay isku boodeen ayaa islamarkiiba waxa dhulka la taabsiiyay ama laga adkaaday bisadii ameerikaanka ahayd ninkii oo yaaban ayay hadana bisadii yarayd ka dabatagtay bisadii ninku watay oo hadana way ku booday sidii oo kale markuu arkay inaan bisadiisii biyo loo kaban ayuu Ninkii Sarkaal ahaa intuu kor u qayliyay ayuu yidhi Waar Ka Qabta Wuxu Bisad Maahee Waa Lion Gaajoodaye isagoo u qaadan waayay bisad somalidan bahashii uu weligiiba xanaanaynaaya ka adkaatay
By Sacad Cali Kaahin Balaaki

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here