Wasiir Ku xigeenka Khaarajiga “Siyaasiyiinta Somaliland Ku DHacaa Markay Xamar Tagaan Ayay Waxaan Jirin Ku Riyoodaan

0
685

Wasiir Ku xigeenka Khaarajiga “Siyaasiyiinta Somaliland Ku DHacaa Markay Xamar Tagaan Ayay Waxaan Jirin Ku Riyoodaan”

Hargeysa(Warsugannews):- Xukuumadda Somaliland,ayaa jawaab cad ka bixisay hadal ka soo yeedhay dawladda Xamar oo sheegatay in ujeedada ay ka leedahay wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya in uu yahay sidii ay u soo celin lahaayeen wax ay ugu yeedheen midnimaddii Soomaali-weyn.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah Axmed Aaddan Ismaaciil (Axmed Kayse) oo xalay khadka Telefoonka ugu warramay wargayska DAWAN, ayaa sheegay in hadalka ka soo yeedhay Raysal-wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte in uu yahay hadal la iska yidhi oo aan waxba ka bedelayn mawqifka qaranimada iyo jiritaanka Madax-bannaanida Somaliland.

“Raysal-wasaare ku-xigeenka Soomaaliya warka uu bixiyay ee uu ku sheegay in wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya ujeedadiisu in ay tahay sida uu sheegay midnimo Soomaali-weyn waa wax aanay waxba ka jirin oo riyo ah, waana wax aan dib u dhacayn in ay Somaliland la midowdo Soomaaliya sababtoo ah horta waxa uu ka hadlayo ee uu leeyahay Soomaali-weyn goormay kala tagtay, Jabuuti oo dal madax-bannaan ah ayaa ka mid ah Soomaali-weynta uu sheegayo,Kililka Shanaad ee Soomaalida Itoobiya ayaa ka mid ahaa NFD-da Kiiniya ayaa ka mid ahayd. markaa siday kuwaasiba uga tageen ee aayaahooda u garteen ayay Somaliland-na u garatay aayaheeda oo ay u tashatay,waana go’aan shacbi oo dastuurka ku cad Ina Cumar Carte iyo Qayrkiina waxba kama beleli karaan,”ayuu yidhi Wsiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Somaliland,isagoo hadalkiisa sii watana waxaa uu intaa ku daray. “Dawladda Somaliland illaa maalintii gooni isu taagga dalkan iyo qaranimadiisa lagaga dhawaaqay Burco 1991 kii. Waxaa dedaal loogu jiray in Somaliland ay beesha caalamka ka hesho aqoonsi buuxa taasoo loo maray dariiqyo badan isla markaana ay Somaliland saaxiibo badan caalamka ka kasbatay,markii Xukuumadda maanta jirta ee uu Madaxweynaha ka yahay Mudane Axmed Siilaanyo xilka la wareegtayna waxay dawladaha iyo dalalka ay Somaliland saaxiibka yihiin ku qancisay in Somaliland iyo Soomaaliya oo laba dal ah la wada hadalsiiyo sidaas ayaanu ku bilaabmay wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya.

Muhiimadda ay Somaliland wada hadalka Soomaaliya iyo Somaliland ka leedahayna waa in laba dal oo walaalo ah oo xidhiidh dublamaasiyadeed iyo mid ganacsiba ka dhexeeyo ay noqdaan iyo laba dal oo daris wanaag ah taana way ogyihiin Madaxda Soomaaliya oo shirkii ugu dambeeyay ee Turkigaba waxaa uu u qabsoomi waayay markii ay dawladda Muqdisho ku soo dartay siyaasiyiin dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland in ay wada hadalka dawladda Muqdisho u metelaan,markaa hadalka ina Cumar iyo qayrkii toona waxba kama bedelayaan mawqifka Somaliland ay ka leedahay wada hadalka ay la yeelanayso Soomaaliya.”

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibada oo si gaar ah uga hadlayay siyaasiyiinta dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland ee ka tirsan Dawladda Soomaaliya iyo hadalada ka soo yeedha,ayaa yidhi. “Horta Maxamed Cumar Hargeysa ayuu nala joogay oo waliba Wasaaradda Arrimaha dibada Somaliland ayuu mar la taliye ka ahaa waxaanu ka qayb galay shirar badan oo dibada ah oo qadiyada Somaliland uu ku ad-adkaa markii dambena waa kii furtay ururkii Damal laakiin waxaa nasiib darro ah markii ururkiisii uu dhacay wuxuu tegay Muqdisho oo uu xilka uu imika hayo ka qabtay kalidiina maaha ee guddoomiyihii ururkii Gurmad Nuur iyo Guddoomiyihii ururkii NDB Foosiya ayaa iyaguna tegay oo xilal ka haya wasiirnimo iyo xildhibaan,markaa siyaasiga halkan ku dhaca ee waxba ka noqon waaya ee markii is bixin waayo Xamar intuu tago odhanaya midnimaan keenayaa waxay tahay uun qof is leh yaan lagu eryin ee is yara muuji laakiin xataa Xukuumadda ay ka midka yihiin way ogtahay mawqifka Somaliland iyo ujeedada wada hadalka Caalamka hortiisa ayaanay labada Madaxweyne ku kala saxeexdeen qodobada wada hadalka bud dhigga u ah oo ay ka mid tahay in laba dal oo kala ah Somaliland iyo Soomaaliya in loo wada hadlayo.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here