SOFHA ‘Wacyi-gelinta Dhalinyaradda iyo Xanuunadda Lagu Kala Qaado Galmadda’

0
486

kulanHargeysa (Warsugan) Ururka wadaniga ee SOFHA(Somaliland Family Health Association) waxa magaaladda Hargeysa oo caasimada dalka ku qabteen barnaamij ku saabsan xanuunada faafa ee laga qaado galmada. Waxaana arrintaas si qoto dheer uga hadlay Dr. Deeq Saciid jama oo ah dhakhtra ku takhasusay cudurada haweenka waxa uu waraysi ku saabsan Dhalinyarada iyo xidhiidhka ka dhaxeeya cudurada Galmada la isku qaadsiiyo siisay Wargaysa Warsugan waraysiguna waxa uu u dhignaa sidan..

Dr. Deeq Siciid ayaa ugu horayn ka hadlay su’aal la waydiiyey oo ahayd waa maxay xanuun galmoodku?

“Xanuunada galmoodka lagu kala qaada waxay yihiin xanuuno ay nin iyo naag ama lamaane ay isku gudbin karaan kuwaas oo inta badan ku dhaca xubnaha taranka ee ninka ama gabadha u sii gudbi kara xubno ama guud ahaan jidhka qofka bini’aadamka ah, markaa xanuunada galmada lagu kala qaado qeexideedu waa sidaas waa xanuuno ay isku gudbin karaan laba qof jinsi ah oo lamaane ah ama aan ahaynba”

Dr Deeq Siciid oo wax laga waydiiyey in dhalinyaradu ay leeyihiin ama haystaan fursado taas ka duwan ayaa yidhi

“Wakhtiga dhalinyaranimadu waa wakhti uu qofku maro waana wakhti laga yaabo inay waxyaabo badani qofkaa ku cusub yihiin ama uu xiisaynayo waa suurto gal in dhalinyaradda qaar uga nuglaadaan marka loo eego dadka waaweyn xanuunadda galmadda ku faafa waana wakhti ay tahay in aad iyo aad loo taxadiro marka qofku wakhtiga kala guurka uu marayo oo uu ka feejignaado waxyaabo badan oo laga yaabo inaanu u lahayn wax khibrad ah ama aanu ka haysan maclamauud aad u badan baadhitaano badan oo caalamka laga sameeyey waxaa la ogaado inay uga nugul yihiin dadka dhalinyarada ahi xanuunadda galmadda ku faafa marka loo eego dadka waaweyn”

Sidoo kale Dr. Deeq Siciid ayaa wax laga waydiiyey haddiiba ay jiraan siyaabo kale oo ay dhalinyaradu ugu nugul yihiin xanuunadda galmadda lagu kala qaado, waxaanu yidhi:

“U nugulaanshaha waxaa loo jeeda yacnii qof ay suurto gal tahay in uu si sahlan ugu dhaco waxyaabo aanu garanayn qof ay suurto gal tahay in aanu aqoon u lahayn hab dhiska taranka ee jidhkiisa, qof ay tahay suurto gal in wax kastaba u sahlanaanto ama ay suurto gal tahay inuu wax  kasta iska sahashado, nuglaanshaha waxa aynu u jeednaa waxyaabahaa, laakiin haddii aad leedahay ma waxaa jirta xaalad caafimaad oo laga yaabo inay u nuglayso qofka dhalinyaradda ah inuu xanuunku ku dhaco taasi waa maya”

Dhalinyaradda marka uu ka dhaco xanuunadda lagu kala qaado galmadda ma jiraan calaamado u gaar ah? Waxaa su’aashaa ka jawaabaya Dr. Deeq Siciid Jaamac:

“Xanuunku marka uu qof ku dhaco dadka inta badan gaar ahaan dumarka waxa laga yaaba inaan badankooda aanu wax calaamada yeelan oo aanay ka muuqan, guud ahaan xauunadda galmadda lagu kala qaada waa qaar aad u badan oo waa isku wada mid qofkii waynaa iyo kii yaraa isku calaamad ayaa laga arkaya, laakiin arrinta muhimka ahi waxay tahay in xanaanudda galamdda qaarkood aanay wax calaamad ahba laga yaabay inaanay ka soo bixin gaar ahaan dumarka dabeeto qofkii isaga oo xanuunkii qaba laga yaaba inaanu wax calaamadda lahayn oo aanu garanayn in xanuunkii qabo dabeeto uu sii fidin karo”

Sidee ayuu qofku ku garan karaa in xanuunkii hayo maadama oo aanu lahayn calaamadihii lagu garan lahaa?

“Taasi waa ta ka dhigtay xanuunadda qaar inay aad khatar u yihiin oo ay bulshadda si fudud ugu faafaan ilayn qofku wixii haya ee uu calaamad ka dareemayo ayaa laga yaabaa inuu ula tago dhakhtar markaa tani waa ta ka dhigtay in xanuunadda galmadda ku faafa laga qayliyo oo caalamka oo dhani ka qayliyo markaa sidaas ayuu ka hortagu u yahay waxa xooga la saaray in dadka la tacliimiyo in ay dadku ogaadaan inay jiraan xanuuno lagu kala qaado galmoodka in qofku inta uu yahay dhalinyaradda tacliintiisa ku dadaalo inuu ku dadaalo ciyaaraha (Sports)”

Xanuunadani marka ay ku dhacaan qof dhalinyaro iyo qof wayn fiditaankiisu iyama ayuu u badan yahay?

“Baadhitaano badan oo caalamka lagu sameeyey meelo kala duwan waxay tilmaamtay in uu fiditaanku jiilka dhalinyaradda ah aad ugu badan yahay xanuunadda qaar; barigii uu bilaabmay xanuunka la yidhaahdo HIV-gu jiilkii uu aadka u asiibay waxay ahayeen dadka da’doodu 18 ilaa 24 u dhaxayso wadamo badan oo caalamka ka mid ah, markaa si qayru caadiya waxa laga yaabaa inuu ugu fido dadkaas dhalinyaradda ah, laakiin mujtamacyadda iyo wadamada qaar way ku kala duwan yihiin dadka xaga da’da waxa laga yaabaa meelaha qaar inaad aragto dadka waawayn 30 ilaa 35-ka ama 40-ka gaadhaya inay xanuunadda qaarkood ku badan yihiin qaar kalana ay ku badan yihiin dadka yaryar”

Haddii aynu ka hadalno dhanka wiilasha ama raga astaamaha lagu arki karo maxaad nooga sheegi lahayd?

“Xanuunadu way kala duwan yihiin haddii aynu soo qaadano Jabtida oo kale wiilka ama ninka waxa laga yaaba inay ka timaado ibtiisa dheecaan laga yaabo inuu cad yahay oo khafiif ah ama dheecaan huruud ah qaarkooda ay xiniintuba bararto qaar ay kaadidu gubto kuwaasi waa kuwa ugu horeeya eek a soo baxa raga qaar oo marka ay ku dhacdo mudo todobaad ah ama saddex cisho ugu yaraan inay waxaasi ka soo muuqdaan; qaar sida HIV-ga oo kale waxa suurto gal ah inaanu qofku wax dareena oo badan aanu yeelan haddii uu yeelan, haddii uu yeeshana uu yeesho calaamadaha duriga oo kale oo qanjidh barar yar oo ka soo baxa dhagta dabadeeda xumad yar sidii duriga oo kale uu dabeeto jidhkiisa in mudo ah sidaas ugu qarsoonaado qaarbaa laga yaaba inay finan yar hoosta ku keenaan oo ay finan ka soo baxaan xubinta taranka ama finan dheecaan leh dabeeto farmasiiga tago oo ay iska baaba’aan dabeeto jidhkiisa ay sidaas ku galaan ilaa ay gaadhayaan marxalado aad u khatar ah taas oo ka dhigaysa in qofki xanuunkii fidiyo dabeeto uu sidaa bulshadda ku dhex galo”

“Xaga dumarka haddii aynu u gudubno waxa laga yaabaa qoyaankaas inaanay gabadhu dhidaysanba haddii laga yaabo inuu qoyaan ka yimaado oo ay is-tidhaahdo waa qoyaanadii aad lahaan jirtay oo uu dabeeto sidaas bilaa calaamad ku noqdo markaa sidaas ayey khatar u yihiin xanuunadda galmadda lagu kala qaadaa”

Dr Deeq waxaad carabka ku dhuftay HIV-ga iyo Jabtida oo kale qaar kale oo lagu kala qaadaa ma jiraan?

“Way jiraan haa oo bahalkii la odhan jiray Waraabowga, Joonis cadka iyo joonis caska labaduba oo lagu kala qaado galmoodka ayaa jira, xanuunada maqaarka ku dhaca ayaa jira oo iyaga laftooda lagu kala qaado markaa xanuuno badan oo lagu kala qaado galmoodka ayaa jira”

Xanuunadda qaar ayaa mudo kadib dhici karta inay qofka ku soo bixi karaan, ma jiraan cilmi baadhis lagu sameeyey oo la odhanayo qofku marka uu xiligaas gaadho ayey ku soo baxayaan?

“Haa way jiraan wuxuu leeyahay xanuun kasta qofka marka uu ku dhaco xili uu ku soo baxo. HIV-gu marka uu qofka soo galo waynaga nidhi waxa laga yaaba in todobaadka hore  ama todobaadka labaad calaamado yar yar ka soo baxaan oo kuwa durayga ah laakiin ay wakhti dheer qaadato in ay calaamado waawayn ka soo baxaan oo qofka la arko inuu difaaciisu hoos u dhaco inay ku dhacdo, qaar kale ayaa laga yaabay marka ay kugu dhacaan ilaa sagaashan maalmoodu gudahood inay kugu soo baxaan oo uu qofku garan kari waayo waxan meel uu ka qaaday, haddii wixi saddex bilood kadib kugu soo baxaan waxa laga yaaba inay kaa lunto wixii aad ka qaaday oo aad xidhiidhin kari waydo inaad wixii ka qaaday galmood, haa markaa mid kastaaba wuxuu leeyahay wakhti gaar ah oo uu ku soo baxo oo uu qofkii kaga muuqdo”

Qofku xanuunadda uu ka qaaday galmadda goorma ayuu gudbin kara oo uu qof kale u sii gudbin karaa?

“Haddii qofka lagu cadeeyo inuu xanauunka qabo xataa haddii aanay calaamadi ka soo bixin markaaba uu gudbinayaa xanuunkii, waxay ku xidhan tahay gaar ahaana xanuunka HIV-ga oo kale qadarka fayraska ah ee jidhkiisa jira in kasta oo galmood kasta lagu kala qaadin gaar ahaan marka wakhtiga dhalinyardda laga hadlayo barnaamijyadda iyo wacyi-gelinta waxa loo samaynaya si qofki u helo macluumaad ku filan inay jiri karaan ama jiraan xanauuno galmoodka lagu kala qaadaa. Qofka kuma qorna waxa uu qabaa sidaas ayaanu dadka nidhaahnaa halays baadho xataa haddii guur imanayo dadku inay is-baadhaan ayaa wanaagsan oo aan laysku ceebaysan inuu qofku yidhaahdo aan is-baadhano”

Dr. Deeq haddii aynu dhamaan xanuunadan isku soo uruurino ma leeyihiin wax dawo ah ?

“Waxaa jira dawooyin, xanuunadda badankooda si fudud ayaa loo daweeya xataa xanuunka HIV-ga waxa jira dawooyin la siiyo oo dadka lagaga daweeyo oo qofku noloshiisa caadiga ah wadan karo, laakiin anigu waxaan odhan lahaa taa aynu ka horayno oo xaga ka hortaga hala sameeyo oo dadka ka hortag ha sameeyo, gaar ahaan dadka dhalinyaradda ahi waxa wanaagsan wakhtii aanu dhalinyaradda ahayn waxa aanu ku qaadan jirnay inaanu wax dhiganayno ama inaanu ciyaarayno ciyaartu wax badan ayey dadka dhalinyaradda ah u faa’idaysaa. Anigu barigii aan koraayey waxaan ahaa dadka aadka ugu wanaagsan ciyaaraha haddii aanan joogin dugsigayga ama aanan wax akhrisanayn inta kale ciyaar ayaan geli jiray sidaas ayey waxyaabo badan dadku kaga badbaadayaan ilaa inta uu gaadhayo heer uu is maamuli karay oo uu garan karayo wixii khatar ah iyo wixii aan khatar ahayn”

Waxyaabo cawaaqib xumo ah oo dadkaas ay ku reebi karaan ma jiraan?

“Cawaaqib xumadda waxyaabaha ugu badan ee keeni kara qaar waa kuwo aynu aragnay sida uu adduunku uga qaylinayo gaar ahaana HIV-ga oo qofka mustaq-balkiisii waxa laga yaabaa inuu god ku rido, xanuunadan kale haddii la dawayn waayo iyaga laftigoodu kama yaraystaan waxa laga yaaba qofka inay ku keenaan dhalmo la’aan oo qofki haddii uu xanuunkii iska dawayn waayo oo uu si fiican u dawoobi waayo waxa laga yaaba inay ku keento dhalmo la’aan xubintii taranka ee uu ka tarmayey ilayn halkaas ayey ku dhacayaane uu dhaawac u gaysto  oo inanta xubnihii ay ka dhalaysay ama tayuubadii ay ka xidhmaan ama beedki uu ka xumaado oo ilma galeenka laftiisa dhibaato gaadho, ninka xiniyihii biyuhu ay ka minayeen dhibaato gaadho, haddii hooyadii uurka lahayd xanuunkii qaado laga yaaba in ilmihii yaraa u gudbo oo uu halkaa ku dhinto, markaa cawaaqib xumo aad u wayn ayey leeyihiin xanuunadii oo waxa looga qaylinayaa waa dhibaada ay keenayaan marka danbe iyo dawayntooda oo laga yaabo haddii wakhti ku haboon la dawayn waayo ay qaadato wakhti aad u dheer kharash badana dadka ay kaga baxdo”

Dhamaad