Madaxweynaha oo ka tacsiyadeeyey Qoyskii iyo Khadar Cali Gaas geerida Marxuum Axmed Xasan Cali Gaas

0
563

Madaxweynaha oo ka tacsiyadeeyey Qoyskii iyo Khadar Cali Gaas geerida Marxuum Axmed Xasan Cali Gaas

TACSI MADAXWEYNE-23/05/2016
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa iyo ka shacbiga Somaliland waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Axmed Xasan Cali Gaas, oo ku geeriyooday 23/05/2016, London.
Gaar ahaana waxa uu madaxweynuhu tacsi u dirayaa La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Saxaafada Mudane Khadar Xasan Cali Gaas, oo ay marxuumka Walaalo ahaayeen.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa janno geeyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxdayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.