Wafti Wasiiro Ah Oo Uu Hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Ayaa Magaalo Xadeedka Wajaale Soo Gaadhsiiyey Wariyihii Ku Xidhnaa Magalaada Jigjiga Ee HCTV

0
319

Wafti Wasiiro Ah Oo Uu Hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Ayaa Magaalo Xadeedka Wajaale Soo Gaadhsiiyey Wariyihii Ku Xidhnaa Magalaada Jigjiga Ee HCTV

Jig-JIga(Warsugannews)- Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo Wasiirka wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Cali Maxamed Waran Cadde oo ay wehelinayaan Wasiirka Wasaarada Warshadaha, wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Iyo Tiknolojiyada, iyo Agaasimaha Wasaarada Madaxtooyada ayaa magaalada Wajeele usoo galbiyey wariye mukhtaar oo in mudo ahba ku xidhnaa magaalada Jigjiga.

Wariyahan oo ay ciidamada liyuu Boliska ka Qaateen magaalo xadeedka wajaale ayaa muddo ku xidhnaa magaalada jigjiga kaasi oo waftidu ay kala hadleen siidayntiisa madaxweynaha iyo madaxda dawlad deegaanka somalilada ee Ethiopia.

wariye Mukhtaar oo ka mida shaqaalaha HCTV ayaa galabta iyada oo ay galbinayaan waftida wasiirada ahi si diiran dadweynuhu ugu soo dhaweeyeen magaalda wajaaye halkaasi oo ay dadweyne badan oo in muddo ahba sigaayey soo deynta Mukhtaar ku qaabileey farxada sacab iyo shucuur aad u saraysa .

Wariye mukhtaar ayaa sheegay in ciidamada iyo madaxda dawlad deegaanku ay si wanaagsan ula dhaqmeen intii u ku xidhnaa jigjiga dhinaca kale wasiirka arrimaha gudaha Somaliland oo magaalada wajaale kula hadlay dadkii soo dhaweeyey wariyahan ayaa sheegay inay maanta farxad u tahay isla markaana ay maanta reer wajaaye iyo shacbiga gabileyba ay ka guddoomaan wariye mukhtaar oo in badan warbaahintu ku wareerisay soo dayn tiisa.

Isku soo wada duuboo Waftidan ayaa mudadii ay ku sugnaayeen Dawlad Deegaanka Somalilada Ethiopia waxa ay shirar la qaateen Madaxweynaha Dawlad deegaan Iyo waliba golaha wasiirada ee maamulkaasi.

Kulamadan ayaa aad loogaga wada hadlay siidaynta maxaabiista ku xidhan jeelasha ee u dhashay Somaliland oo ugu horeeyey Wariye Mukhtaar iyo sidoo kale xoojinta xidhiidhka labada dale e dhinaca amniga.

IMG_3801

IMG_3679

IMG_3743

IMG_3763

IMG_3775

IMG_3776

IMG_3791