Waftigii Xisbiga Wadani Ee Kusugnaa Nayroobi Oo Kulan Xasaasi ah La Qaatey Safiirka Boqortooyada Sucuudiga U Fadhiya Dalkaasi .

0
318

Waftigii Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani oo maalmihii u dambeeyay kusugnaa Magaalada Nayroobi ee Xarunta dalkaasi Kiiniya Islamarkaana, uu hurmood ka ahaa Murashaxa jagada Madaxweyne ee Xisbigaasi Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cigaal(ciro) ayaa kulan xasaasi ah oo ku wajahan go,aanka Dawlada Boqortooyada Sucuudi Arabia ku joojisey Xoolaha la qaatey Safiirka khaaska ah ee Sucuudiga u fadhiya Wadanka Kiiniya oo katirsan Qoyska Boqortooyada si ay faafaahin dheeraad ah iyo dedaalada danaha Somaliland ula qaataan maxsuul ahaan Dawlada Sucuudiga.
Kulankan oo wakhti badan qaatey islamakaana, la isugu soo noqdey marar badan, oo ay goob joog ka ahaayeen Xubnaha ugu badan ee Waftiga Xisbiga Wadani waxa Safiirku kulankan si qadarin leh uga ajiibey Masuulyiinta Xisbiga Wadani ee falanqaha dheer kula qaatey
arinta Xoolaha Somaliland iyo talaabooyinka looga baahan yahey in ay Dawlada Boqortooyada Sucuudigu ku naaqishto dhinacyada looga wareegi karo go,aanka adag taas oo Safiirka Boqortooyada Sucuudigu marar badan xidhiidh dhinaca isgaadhsiinta ah kula yeeshay in uu Madaxda dalkiisa u gudbiyo wada xaajoodka ay ula yimaadeen Masuulyiinta Waftiga Xisbiga Wadani islamarkaana, arimihii laga wada Hadley tix galinta dheeraadka ah usiiyay.

Gabagabadiina waxa ay isla meel dhigeen Xubnaha Waftiga Xisbiga Wadani eek u sugan Nairobi iyo Safiirka Boqortooyada Sucuudiga u fadhiya dalkaasi kiiniya in Dawladoodu diyaar u tahey in dhinac kale loo wareego go,aankii adkaa ee Wasiirka Beeraha dawlada Boqortooyada Sucuudigu ku joojiyay gabi ahaanba xoolaha isagoo kulankaasi kusoo gunaanadey in ahmiyad weyn lasiinayo sidii loo xoojin lahaa Maxjarada Xoolaha ee kajira Somaliland islamarkaana, Sucuudigu uga qeyb qaadan laheyd doorka xanaaninta xoolaha iyo tayeynta maxjarka isagoo ugu balanqaadey in go,aanka ka noqoshada ahi si degdeg ah uga soo bixi doono Dawladooda dhawaaan.
Waftiga Xisbiga Wadani eek u sugan ee dalka Kiiniya ayaa, ahmiyad weyn siinaya in ay socdaalkooda kaga faa,ideystaan fursado badan oo dhinacyada arimaha Dibada Xukuumadu ku dayacdey istiraatijadaha danaha beesha Caalamku ka leeyahey Somaliland iyo wada xaajoodka dalal badan diyaar ula yihiin.