Laba Abwaan oo ka mid ah abwaanada da,da yar ee Gobalka Tog-dheer ayaa midkood Goor dhawayd Xabsiga la dhigay Midna Ciidanka Somaliland ku daba jiraan Soo qabashadiisa, ka dib markii ay hambalyo u direen Madaxwaynaha Cusub ee Somalia Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.
Labadan Abwaan oo lagu kalamagacaabo Abwaan Maxamed Galaydh iyo Abwaan Cali Dhanaaneeye ayaa maalmihii la soo dhaafay Duubay muuqaal kooban oo ay hambalyo iyo bogaadin ugu dirayaan madaxwayne Farmaajo iyaga oo Sheegay in Ay ku faraxsan yihiin in Farmaajo loo doortay Hogaaminta Dalka Somalia.
Labada Abwaan ayaa gabayo ku Cabiray Dareenkooda farxadeed waxan ay sheegeen in ay Rajayna in ay soo noqoto Haybadii Somalidu lahayd Iyo Nabadii waayo hore ay ku naaloon jirtay Somalidu.
Muuqaalkaasi markii uu ku Soo baxay qaybo ka mida warbaahinta waxa ay arintaasi aad uga cadhaysiisay Xukuumada Somaliland, waxan Maalmihii ugu danbeeyey Maamulka gobalka Togdheer ku hawlanaayeen Xadhiga Labadan Abwaan , kama danbaystiina waxa maanta gacanta lagu dhigay Abwaan Maxamed Galaydh oo ay Badhtamaha Magaalada Burco ka Qabteen Ciidanka Booliska Somaliland kuwaasi oo Utaxaabay Xabsiga, Halka ay wali ku raad joogaan Abwaan Cali Dhanaaneeye .
Halkan Ka Daawo Muuqaalkii Hambalyada ahaa ee Ay Udireen Madaxwaynaha Somalia iyo Qaabkuu u dhignaa.