Wararkii ugu dambeeyay khasaaraha ka dhashay dagaalka Magaalada Gaalkacyo

0
353

waaxa qare yaasir yare

Waxay faah faahin ka soo baxeysaa dagaal culus oo maanta Magaalada Gaalkacyo ku dhex maray Ciidamada Maamulada Galmudug & Puntland, oo maalmihii ugu dambeeyay isu horfadhiyay galbeedka magaaladaasi.
Dagaalka maanta dib kaga soo cusboonaaday Magaalada Gaalkacyo oo bilowday barqanimadii maanta, ayaa ku bilowday madaafiic xoogan oo labada dhinac isu weydaarsanayen goobaha ay isu horfadhiyan.

Dagaalkan, ayaa sii xoogeystay duhurnimadii maanta, iyadoona uu dhaliyay in dadkii fara ku tiriska ahaa, ee ku haray Magaalada Gaalkacyo isaga cararan guryahooda.

Mid ka mid ah dadkii ku haray Waqooyiga Gaalkacyo, balse maanta ka barakacay, ayaa sheegay inaanan lagu noollaan karin Gaalkacyo, marka loo eeggo hubka ay labada dhinac adeegsanayan.

Ninkan oo codsaday inaanan magaciisa la shaacin, ayaa tilmaamay in madaafiicdu ay maanta magaalada ugu soo daadaneysay, si ka duwan, dagaalada maalmihii la soo dhaafay ka dhacay.

Dagaalka oo joogsaday xilligii Salaadda Maqrib, ayaa sababay dhimashada toddobo askari oo labada dhinac ah iyo dhaawaca in ka badan shan iyo toban kale.

Goobaha caafimaadka ee ku kala yaala Koonfurta iyo Waqooyiga Gaalkacyo, ayaa waxaa la gaarsiiyay meydadka iyo dhaawacyada labada ciidan.

Labada ciidan, ayaa waxaa caawa la soo sheegaya in weli isu horfadhiyan goobihii ay maanta ku wada dagaalameen, lamana soo sheegin horumaro muuqdo, oo midkoodna uu ka sameeyay dagaalka.

Gaalkacyo, ayaa waxaa la soo sheegaya in caawa aysan ka jirin koronto, waxaana labada qaybood ee magaalada laga dareemaya mugdi xoogan.

Maamulada Puntland & Galmudug, ayaa waxaa muuqata inay dhagaha ka fureysanayan baaqyo kaga imaanaya dhinacyo kala duwan, sidoo kalana aysanba diyaar u ahayn in dagaalka lagu bedelo wada hadal.