Wararkii Ugu Dambeeyay Natiijada La Wada Sugayo Ee Golayaasha Deegaanka Iyo Wakiiladda Somaliland + Xisbiyada KULMIYE Iyo WADDANI Oo Aad Iskugu Dhaw Faraqana Is Haysta

0
292

Shacabka oo si weyn ugu dheg taagayay natiijada Hordhaca ah ee Degmooyinkan ayaanay suurto galin in ay Komishanku soo saaraan Natiijada Hordhaca ah ee Degmooyinka ee Doorashada Golayaasha Deegaanka iyada oo dhinaca kale la filayo in saacadaha soo socda lagu dhawaaqo guud ahaanba Natiijada Hordhaca ah ee Doorashooyinka isku sidkan (Wakiillada iyo Deegaanka)

Shalay galab markii ay soo baxeen Natiijada Hordhaca ah ee Golayaasha Deegaanka ee Degmooyinka Laascaanood, Xuddun, Taleex, Gar-adag, Buuhoodle, Sallaxlay, Lughaya iyo Saylac ayaa waxa shacabku si weyn ugu dheg taagayay waxa ka soo baxa Degmooyinka kale ee hadhay balse waxa la filayaa in maanta lagu dhawaaqo degmooyinkaasi kadib doorashadii xamaasadda badnayd ee shacabka Somaliland u dareereen 31-kii Bishii May.

Dhinaca kale waxa wali socota tirinta codadka Guud ahaan Gobolada dalka ee ku aaddan Natiijada Doorashada Golaha wakiillada taasi oo shacabka iyo axsaabta qaranku si weyn uga dhur sugayaan bal waxa ka soo baxa iyada oo tartan culusi u dhaxeeyo Xisbyada WADDANI iyo KULMIYE oo mid kastaa doonayo in uu aqlabiyadda kuraasta qaato Gobolada dalka iyo wadarta guudba.

Illaa imika lama saadaalin karo sida ay xaajadu noqon doonto iyo cidda gacanta sare ku yeelan doonta kuraasta Golaha wakiilada iyada oo aad mooddo in natiijada Golayaasha Deegaanka Degmooyinka illaa hadda la tiriyay uu ku horreeyo Xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE marka laga reebo Degmada Laascaanood oo ay isku barbar dhaceen KULMIYE iyo WADDANI kadib markii mid kastaaba helay 5 Xildhibaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here