Warbaahin Caalamiya Oo Sheegtay “Casriyaynta Dekedda Berbera Oo Bariga Africa U Horseedaysa In Khadad Badan Oo Maraakiibeed Ku Soo Xidhmaan”

0
381

Warbaahin Caalamiya Oo Sheegtay “Casriyaynta Dekedda Berbera Oo Bariga Africa U Horseedaysa In Khadad Badan Oo Maraakiibeed Ku Soo Xidhmaan”

DP muddo 30 sanno ah maamuli doonto iyadoo galinaysa lacag dhan 442 Milyan oo dollar
Hargeysa(Warsugan) Heshiiska shirkadda dekeddaha iyo Terminaallada ee Dubai Port World ku maalgalinayso dekedda Berbera ayaa la filayaa in la dhammaystiro saxeexiisa dhawaan. Warbaahinta caalamiga ah ayaa wax ka qoray faa’iidada heshiiskaasi u leeyahay Somaliland iyo mandaqada Bariga Africa, gaar ahaana Geeska Africa.

Warbixin lagu daabacay worldmaritimenews.com, ayaa lagu sheegay in casriyaynta shiradda DP ku samaynayso dekedda Berbera horseedayso inay noqoto marin laga galo mandaqada Geeska Africa, sidoo kalena kobciso dhaqaalaha Geeska gaar ahaana kan Somaliland. Warbixinta ayaa xustay in heshiisku xoogga saarayo balaadhinta barxadda, taasi oo taageeraysa ganacsiga Coridor ee Somaliland iyo Itoobiya.

Madaxa shirkadda Imaaraadka ee DP, ayaa Worldmaritimenews u sheegay inay soo jiidanayso marrinno maraakiibeed oo ku soo kordha bariga Africa “Maalgalinta dekeddan Berbera ee leh biyaha dabiiciga ah ee qotada dheer waxay Bariga Africa u soo jiidaysaa khadad Maraakiibeed oo tiro badan.Waxay casriyaynta dekeddu kobcinaysaa Somaliland iyo dhaqaalaha gobolka,” ayuu yidhi Bin Sulayman.

Warbixinta ayaa intaasi ku dartay in marka la casriyeeyo dekedda Berbera ay noqonayso marin dheeraad ah oo laga galayo Geeska Africa. Dalweynaha Itoobiya iyo waddamo kale oo aan lahayn bad ayaa ku toosan Somaliland, kuwaasi oo la rumaysan yahay inay ka faa’iidaysan doonaan balaadhinta dekedda Berbera oo shirkadda DP muddo 30 sanno ah maamuli doonto iyadoo galinaysa lacag dhan 442 Milyan oo dollar, inkasta oo heshiisku ku tiirsan yahay sida wax soo saarta dekeddu noqdo, maadaama shirkaddu faa’iidadeeda kala soo noqonayso.

Xigasho
http://worldmaritimenews.com/archives/195813/dp-world-launches-usd-1-2-bn-sukuk-on-nasdaq-dubai/

Turjumaadii Wargeyska Warsugan