Warbaahin Ka Hadasha Arrimaha Diinta Kiristanka Oo Sheegtay In Dib Hargeysa Looga Furay Xarunta Cibaadada Ee Ka Dhisans Qaarada Afrika iyo Feejignaanta Shacabka Somaliland

0
460

Warbaahin Ka Hadasha Arrimaha Diinta Kiristanka Oo Sheegtay In Dib Hargeysa Looga Furay Xarunta Cibaadada Ee Ka Dhisans Qaarada Afrika iyo Feejignaanta Shacabka Somaliland

“Waddaadkan Masiixiga ah ee Muqdisho jooga ayaa xusay inay xaruntu tahay meesha kaliya ee cibaaddada..” Giorgio Bertin
Hargeysa (Warsugan) Giorgio Bertin oo ah wadaad diinta Kiristaanka ee Kaliga haysta ayaa sheegay in dib loo furay kiniisadda Kaataliga ee Hargeysa. Waddaadkan Masiixiga ah ee Muqdisho jooga ayaa xusay inay xaruntu tahay meesha kaliya ee cibaaddada ee ka dhisan wadamada qaarada Africa.

Bertin ayaa sheegay in uu furitaanka Kiniisadda kala hadlay masuuliyiin xukumadda Somaliland ah sanadkii la soo dhaafay, isaga oo sheegay inuu kala xaajooday dib-u-furida kiniisadda. Waxaanu intaas ku daray in ugu badnaan toban qof ku cibaadaystaan kiniisadda.

Maamulahan kiniisada Katoliga ee Muqdisho ayaa sheegay in Xamar ay ka jiraan dhawr haysta diintaas, waxaanu intaas ku daray inaanay amaan ahayn, isla markaana suurto gal tahay inay is qariyaan “naftooda ayaa halis galaysa haddii loo aqoonsado kiristaan” Shaqadan ayaa Muqdisho uga dhacda si qarsoodi ah ayuu intaas raaciyey.

Somaliland waxaa in badan ka jiray xarunta cibaada ee Kaataliga, iyadoo sida uu sheegay Mr Bertin in hore loo xidhay, iyada oo aan ahayn xarun si badheedh ah loogu cibaadaysto hadana waxaa jira khatar kale oo ah in dad qarsoodi ahaan u jooga Hargeysa oo ajaanib ah ay ku cibaadaystan guryo aan la aqoonsan karin.

Xukuumadda Somaliland ee gadhwadeenka ka yahay madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa xukunka la wareegtay iyada oo xarunta Katoligu sidan u shaqaysa, in kasta oo aanay jirin dad si badheedh ah ugu biiray ama cibaado u taga xaruntan.

Laakiin, warbixintan Dorraad lagu daabacay majalad ka hadasha arrimaha Kaatoliga ayaa lagu sheegay in dadka Kiniisadan ku cibaadaysta yar yihiin laakiin, furnaanshaheeda ayay ku tilmaameen muhiim. Lama oga in arrintani saamayn ku leedahay bulshada Somaliland oo boqolkiiba boqol ah dad Islaam ah.

Shacabka Somaliland oo ah dad muslim ah boqolkiiba boqol ayaa inta badan isha ku haya arrimaha diinta ka soo hor jeeda, waxaana la filayaa inay jeejignaan ka qaatan arrin kasta oo lidi ku ah diinta Islaamka, hase ahaatee diinta Islaamta ayaa ah mid tixgelin siisay diimaha kale xataa xiliyada dagaalka, iyada oo aanay banaanayn in si sharciga ka baxsan loola dhaqmo.

Xigasho Wargeyska Warsugan
Warsugan15@gmail.com
warsuganmedia@gmail.com
Hargeysa/Somaliland/Office