Warqad furan oo ku socota Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

0
385

Warqad furan oo ku socota Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.
Madaxweyne naga farxi maalmamaha ciidan Alle ha kaa farxiyee.
Ujeedo: codsi dhisid jeelka caruurta iyo ka dumarka.
Madaxweyne marka hore waan ku salaamaya, bacda salaam waxaan kuu rajaynaya cafimaad, iyo in Allah bisha ramadaan khayrkeeda ina siiyo.

Hargeysa(Warsugannews)Madaxweyne waxa igu kelifay in aan warqadan furan kuu soo qoro kuna soo dhex mariyo jaraa’idka, ka dib markii ay ii suurto geli wayday si kale oon kula soo xidhiidho oon ka ahayn in aan jaraa’idka kuugu soo tabiyo, maadaama uu la kulankaagu wakhtigan xaadirka ah igu adag yahay wakhti badan qadanayo. Waxaanan filayaa in aad qoraalkaygan si fiican u akhriyi doonto waxna ka qaban doonto arrinta aan kaga hadlayo oo ah arrin ah karamadeena iyo wax-wadaqabsigeena danta guud oo u baahan wax ka qabad degdeg ah haddii Alle idmo .

Sidaynu ognahay intii xisbiga kulmiye xukunka hayey waxa uu dalka u qabtay waxyaabo badan oo dhinacyo badan leh lana taaban karo, haddii aan indhaha laga qarsanayn.

Hadaba sidaynu wada ognahay dunidan aynu ku noolahay lagama waayo carqalado iyo dhibaato soo wajaha umadda oo wax ka qabasho degdeg ah u baahan

Sidaa darteed mida aan warqaddan kuusu soo qoray ee kaarka igu haysa, bulshoweynta Reer Somalilandna tabayso, sida ay ila tahay waxay tahay:-

Waxa dhallinyaradeen Reer Somaliland soo wajahay xaalad qalafsan oon hore inoo soo marin, kana mid yihiin, in ubadkeenu gacanta waalidkoodi ku jirin talo ahaan , qaar kalena ay geysanayaan dunuub joogto ah oo aan hore loo arag, qaar kalena oo ka mid ahina noloshaba ka dhacsan yihiin oo ay qardo jeexayaan, taas oo la odhan karo guud ahaan waliidka oo xooga ubadkeena ku ekeegayay badankoodu quudinta iyo buuxinta calooshooda oo kaliya, kana gaabiyeen in ay maskaxdoodana u koriyaan. Waxaanan ogaaday markaan sameeyey daraasad ballaadhan in waalidka imika jooga badankoodu ay iyaga naftooda u baahan yahiin in maskaxda loo dhiso, maadaama 50 sano ee u dambeeyey aynu ku gudo jiray dagaalo, dawlad xumi iyo dawlad la’aan,iyo marxalado aynu ka dharagsanahay oo dib inoo sii dhigaya.

Haddaba dhibta ugu weyn ee taagani waa iyadoo ubadkeenu marka ay debiyo galan aanay haysan jeel u gaar ah oo lagu dhaqan celiyo, sida aan xog ogaalka ugu ahayna waxa jirta marka dhalinyarad-20 jirka iyo kuwo ka yarba lagula xidho hool ama qol dad waaweyn oo dambiyo waaweyn kala duwan lagu soo xukumay, mudane madaxweyne marka wiilkii da’da yaraa lagula xidho meel dadka kala duwan mudo dheer iyo mudo gaaban ba ha ahaatee, waxa ay ka soo baxayaan iyagoo ka soo qalin jabiyey kana soo bartay ficilo iyo falal ama habdhaqan aan haboonayn oo kala duwan, oo ayna hore u aqoon, sida habtuugo oo casri ah, dil, dhac iwm, isla markaanaay kula soo noqonayaan iyagoo baleysan oo bulshadii u geysanaa waxyeelooyin aan laga soo waaqsankarin,tasina ma ah in ciidankeena asluubtu aysan gudaneynin wajibkoodii,bal nidaamka xabsiyada aduunka u yaal uusan ka fursaneyn in la badbaadiyo dayarta.

Waxa se xusid mudan arrinta ugu daran ee aan laga soo kaban Karin oo ah;

In haddii meel lagula xidho dhallinyarada da’da yar iyo dad waaweyn mudo dheer ay soo bixi karaan waxyaalihii lagu rogay reer QawmuLuud , sida badanka ka dhacda jeelasha dalalka shesheeye qaarkood, taas oo keenaysa in dhallinyaradii lagu faraxumeeyo jeelka, taas oo la garan karo in ilmaha waxaas lagu sameeyey marka uu jeelka ka soo baxo noocyada iyo falalka foosha xun ee uu ku kici karo, arrintaas maanta dalkeena ka taagan amaba imin karta, una baahan wax ka qabasho degdeg ah.

Mudane madaxweyne waxaan kaa codsanayaa in aad si degdeg ah ugu dhisto xabsi dhaqan celineed oo lagu hayo ubadka dambiyada gala ee dalkeena wiilal iyo gabdhaba, si ay uga badbaadaan fidnooyinka aan kor ku soo sheegay.

Sidoo kale mudane madaxweyne waxa jirta in magaalada Hargeysi aanay lahayn Jeel dumarka u gaar ah oo markay dembi galaan lagu hayo, iyada marka dumarkeena la xukumo, meesha ugu dhow oo ah xabsiga Gabiley iyadoo ehelkii dumarkaa xidhan ku dhib qabaan la xidhiidhka iyo ka warhaynta haweenkasi maxaabista ah.

Mudane iyadoo aanan is biday in aan aqoon iyo cilmi dheerahay dadka kale waxa igu kelifay in aan kuu soo gudbiyo arrintan, waxaan mudo 25 sano ah ka soo shaqaynayey xabsiyada dalka, taas oo iga dhigtay in aan u noqdo xog ogaal arrimaha xabsiyada dalkeena. Anigoo in badan isku dayey in aan anigu u dhsio labadaa qaybood ee aan kor ku soo sheegay markhaatina ay ka yihiin madaxda iyo saraakiisha Asluubtu, iyadoo duruufaha jira awgeed ay ii saamixi wayday.

Mudane madaxweyne anigoo og xilkaad hayso baaxada uu leeyahay, anigoo og in aanad mooge ka ahayn xaaladaha dalka ka jira, waayo soomaalida ayaa ku tidhaahda dowladi indho qudhaanjo ayey leedahay.Waxaadna igu waafiqi doonta cawaagibta ka timaada arrintaasi reer s/land mid dibada jooga iyo mid gudaha jooga,mid lacag haysta iyo mid miskiin ahba ay saameyneyso

Mudane madaxweyne waxaan alle ka baryayaa in marka dhawaaqani ku soo gaadho aad wax ka qaban doonto, anigoo dhowr goor oo horena kuu soo gudbiyey arrintan,

Mudane madaxweyne anigoo og in fulinta arrintani kaga fududahay kabashada koob shah ah,maadama aad talada wadankan oo dhami gacantaada ku jiro.

Mudane madaxweyne waxaan ku soo gebogebaynayaa , in markaan eegay baaxada iyo baahida loo qabo arrintan kor ku xusan, waxaan kaa codsanayaa adigoo gudanaya waajibkaaga,islamarkaasina aad iga qadato ducadan ood si degdeg ah u fuliso hawshan. Waxaanan Alle ka baryaynaa, inagoo ku guda jirna 10 ramadaan ee u dambeeyey in Alle ku garansiiyo kugulana garab galo, caafimaad taam ahna ku siiyo Toobadana Alle ha ina waafajiyo.

Rashiid Sulub Caalin