Warsaxaafadeed: Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA waxa uu xukuumadda talada haysa ee Somaliland ugu baaqayaa inay bulshada usoo bandhigto barnaamijyada ay maamusho iyo kuwa ay hindisaysaba

0
676

War-saxaafadeed

Ururka SOLJA markii uu arkay, dersayna qoddobka 32aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland oo si cad u kafaala qaadaya xoriyatul-qawlka iyo qoraalka.

Markii uu arkay, muhiimadda horumarinta iyo kobcinta madax-banaanida Saxaafadda in ay qayb ka qaadatay nidaamka dimuquraadiyadda, sinnaanta, cadaaladda iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta Somaliland.

Markii uu darsay, Xeerka Saxaafadda Xeer No. 27/2004, ee uu ansixiyay gollaha wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland, Saxeexayna Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee dhaqan-galka ah, kaasi oo xaqiijinayey muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo, tixgalina la siiyo xorriyadda saxaafadda.

Waxa uu Ururka SOLJA u arkaa marxaladda Saxaafadda Somaliland ku sugan tahay wakhti xaadirkan inay tahay mid baahi weyn loo qabo inay Xukuumadda Somaliland tixgalin siiso duruufaha ku gedaaman oo isugu jira kuwo ragaadinaya xilkii ay qaranka u hayeen iyo kuwo hagar-daamo ku ah inay shaqadooda u gutaan sida Dastuurka iyo Xeerka Saxaafaddu jideeyey.

Duruufaha SOLJA u muuqda ee soo if-baxaya waxa ka mid ah in warbaahinta loo adeegsado qaab qabyaaladeed, iyo inay siyaasiyiintu u isticmaasho Hub ay ku dagaalamaan, iyagoo ka faa’iidaysanaya xaaladaha ka jira Dalka oo u muuqda kuwo haddii aan laga hor tagin sababi kara in Saxaafadda Somaliland ku dhacdo gacmo u adeegsan kara inay Dalka ku dhibaateeyaan.

Ururka Suxufiyiinta Somaliland waxa uu xukuumadda talada haysa ee Somaliland ugu baaqayaa inay bulshada usoo bandhigto barnaamijyada ay maamusho iyo kuwa ay hindisaysaba ka hor inta aanay bulshada ugu dhex faafin siyaabo loo adeegsan karo in la isaga horkeeno ama lagu abuuri karaba ujeeddooyin dhaawic kara ama sumcad xumo usoo jiidi kara Qarankan Yab-yabka ah ee aan wali ka mid noqon Dawladdaha la ictiraafsan yahay.

Xukuumadda oo warbaahinta u adeegsata ama ugu soo bandhigta hawl maalmeedka ay qaranka u hayso inta uu sharcigu u ogolyahay, waxay horseedaa in bulshooyinka dimuquraadiga ah ee horu-socodka rabaa ay ka koraan walaahowga iyo walbahaarka kaga iman kara jilaafooyinka ay isku dhigaan hogaanka talada haya iyo Axsaabta mucaaradka ah ee doonaya inay bedelaan, iyadoo la ogsoon yahay Somaliland inay wax badani qabyo ka yihiin, hadana loo baahan yahay in si wadajir ah oo la isku ixtiraamayo lagaga baxo arrimaha Dastuurka Somaliland iyo Xeerarka laga dheegay sida cad u qeexayaan.

Ururka SOLJA waxa uu Xukuumadda ugu baaqayaa inay tixgaliso isla markaana kobciso Hay’addaha warbaahinta Somaliland iyo Suxufiyiinta ka hawl-galaba, iyadoo dhawraysa xuquuqda ay u leeyihiin inay Dawladdu kabto, Aqoon ahaan, Dhaqaale ahaan iyo inay xirfadooda u gudan karaan si waafaqsan Xeerarka Dalka u yaala isla markaana ka fogaato wax kasta oo ka lumin kara itijaaha ay u abuuran yihiin ee ah inay bulshada u adeegaan.

Ururka SOLJA waxa uu si weyn uga walaacsan yahay dhacdooyin beryahan danbe isa soo taraya oo wiiqi kara Mihnada Saxaafadda Somaliland, kuwaasoo ka soo burqanaya siyaasiyiinta ku Loolamaya talada Dalka, haddii ay noqon lahayd kuwa talada haya iyo kuwa Mucaaradka ahba, ama haddii aan si kale u dhigno madaxda haya xilka qarankan ee ay tahay inay ka fogaadaan wax kasta oo dhaawici kara haykalka Dawladdnimo.

SOLJA waxay dhinaca kale, Suxufiyiinta Somaliland ugu baaqaysaa inay ilaaliyaan Karaamadda iyo Burjiga Saxaafadda, isla markaana ka fogaadaan danaha maalin laha ah ee ay ugu gabraaranayaan siyaasiyiinta iyo Madax dhaqameedka qaarkood ee ka leexday xilka Igman ee ay bulshadu ku ogtahay, kuwaas oo haddii aanay iska ilaalin dabinada ay u maleegayaan cawaaqib xumadeedu mar walba ku soo noqonayso Suxufiyiinta.

Ururka SOLJA waxa uu Mulkiilayaasha iyo Tafatirayaasha Maamula Hay’addaha Warbaahinta ugu baaqayaa inay xil iska saaraan masuuliyadda ka saaran hay’addaha ay Maamulaan iyo wararka iyo Barnaamijyada ka baxa,kuwaas oo wakhtiyadan danbe u muuqda inaan intooda badan lagu dabaqin xeerka Saxaafadda iyo hab-dhaqankii wanaagsanaa ee ay Saxaafadda Somaliland ku soo caano maashay xilliyada ay duruufaha adagi dalka soo waajahaan ama ay jiraan aragtiyaha kala duwan ee ka dhasha mashaariicda dalka laga fulinayo.

SOLJA waxay masuuliyinta kala duwan ee xadhiga aan sharciga ahayn kula kaca saxaafadda gaar ahaan dhacdooyinkii ugu danbeeyey ugu baaqaysaa inay ka waantoobaan oo aanay u adeegsan ciidamada Booliiska iyada oo aanay u haysan awood sharci oo uu jideeyey Xeerka Saxaafadda, sidoo kale-na SOLJA waxay ugu baaqaysaa Suxufiyiinta inay ka fogaadaan dariiq kasta oo loo soo mari karo in lagu waxyeeleeyo.

Gaar ahaan SOLJA waxay ugu baaqayaa Taliyaha Ciidanka Booliiska iyo Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo xil iska saaray inay la shaqeeyaan Ururka SOLJA marka ay yimaadaan tacadiyada Saxaafadda ka dhanka ah inay u dhug yeeshaan sababaha keenay dhacdooyinkii ugu danbeeyey gaar ahaana xadhiga Wariye C/raxmaan Maxamed Cige oo uu Taliye ku-xigeenka Qaybta Booliiska ee gobolka Saaxil xidhay isagoo shaqadiisa gudanaya, isla markaana waxaan ku baaqaynaa in si dhakhso ah Xorriyadiisa loogu celiyo.

Ururka SOLJA waxa uu mahadnaq balaadhan u dirayaa cid kasta oo xil iska saarta difaacida, taageerida iyo horumarinta Saxaafadda haddii ay noqoto Axsaabta, bulsho weynta Somaliland, Xukuumadda, bahda Garsoorka gaar ahaan waxaan si xushmad leh usoo dhaweynaynaa Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo meel cad iska taagay in nidaam sharci ah loo maro qaabka loola macaamilayo kiisaska Saxaafadda.

Gabagabadii Ururka SOLJA waxa uu suxufiyiinta Somaliland ugu baaqayaa inay u midoobaan danta Qaranka isla markaana ka fogaadaan danaha hoose ee khatarta ku ah Dadnimadooda, Qaranimada iyo wadajirka shacabka Somaliland.

war-saxafadedd 001

war-saxafadeedd 001

war-saxafadeedd 002

Maxamuud Cabdi Jaamac

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here