Madaxweyne Siilaanyo oo tacsi u diray Madaxweyne ku xigeenka Imaaraadka Carabta oo wiil uu dhalay ka geeriyooday

0
363

TACSI MADAXWEYNE – 21/09/2015
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo Isagoo ku hadlaaya magaciisa iyo ka shacbiga Somalilandba waxa uu tacsi u dirayaa Madaxweynaha iyo Shacbiga imaaraadka Carabta oo uu ka tacsiyadaynaayo geerida ku timid Sheekh Rashiid bin Mohamed bin Rashid Al Maktoum oo uu dhalay Madaxweyne ku-xigeenka dalka Imaaraadka Carabta isla markaana ah xaakinka Dubai Sheekh Mohamed bin Rashid Al Maktoum.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa uu alle uga baryayaa marxuumka inuu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo shacabka iyo madaxda imaaraadka carabta gaar ahaana aabihiina uu samir iyo iimaan ka siiyo marxuumka.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here