Wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland ayaa Maanta hoodo-ayaan u Magacawday Madaxa Horumarinta iyo Qorsheynta ee Wasaaradda

0
396

WAR-SAXAAFADEED.
03/03/2017.

Wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland ayaa Maanta Magacawday Madaxa Horumarinta iyo Qorsheynta ee Wasaaradda.

Wareegto Magacaabis oo kasoo baxdey Xafiiska Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland ayaa u dhignayd sidan.

Ujeedo: Magacaabis

Kadib Markii Aan Ogaaday in Baahi Weyn Loo Qabo In La Helo Xafiiska Qeybta Horumarinta iyo Qorsheynta ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland, Isla Markaana Indho-indheeyey Masuul Gudan Kara Hawshaas.

Markaan Tixgaliyey Xirfadda iyo Waayo Aragnimadda Ay Uleedahay Shaqadan, Isla Markaana Aan Ku Qancay Inay Buuxin Karto Xilkan, Waxaan Maanta Laga Bilaabo.

1. Hoodo Ayaan Suldaan Aadan Faarax
laga Bilaabo Taariikhda Maanta oo Ah 03/07/2016 Waxaan Kuu Magacaabay Madaxa Horumarinta iyo Qorsheynta ee Wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland.

Haddaba Waxa lagu Farayaa Inaad Xilkaas Laguu Magacaabay Uga Soo Baxdo Si Daacadnimo iyo Hawlkarnimo ku Jirto.

Dhinaca Kale Waxaan Ku Wargelinayaa Madaxda Kale ee Wasaaradda inay Garab Galaan Wiixii Hawlana Kala Shaqeeyaan.

C/raxmaan C/laahi Wirdaani
Afhayeenka Wasaaradda Hawlaha Guud

Alle Mahad Leh
n