MAALIN KA MID AH MAALMIHII NOLOSHA NABI MUXAMED SCW QAYBTII 19AAD

0
374

Daraasad koobaysa qorshe hawleedkii nabiga ee Maalinlaha ahaa

Dr Cabdiwahaab B.Naasir Al- Turayti
Makkah
Hurdada ka horaysa waaberiga
Hargeysa(Warsugannews)Inta badan saacadaha habeenku markay jeestaan ee qaybta ugu danbaysaa hadhooahna lix meelood marka habeenka loo qaybiyo meel ahaan, nebigu waxuu ku noqon jiray sariirta oo yara nasan jiray ka dib taagni dheer oo habeenka intiisa badan uu u tukanayay sidii ilaahay faray.Nebigu wuu yara seexan jiray hurdo gaaban si uu isugu diyaariyo salaada Subax. Saacada ka horaysa dilaaca waaga, nebigu wuu yara seexan jiray sida ay Caasha sheegtay: Marka nebigu SCW ila joogo guriga habeenkaas, waxuu ahaa mid seexda saacada ka horaysa waaberiga. Waxaana nebiga kicin jiray eedaanka salaada subax.

Gebo-Gebo iyo Gunaanad
Waxaan aad ugu hanwaynay qof kasta oo akhriya kitaabkan oosi naxariis leh noogu soo gudbiya waxii qaladaad naga dhacay ee aanaan u badheedhin balse si farsamo ahaan ah aan u galay si aan u saxno.Qof kastaana talo ayuu u baahan yahay. Markasta oo aan helo toosin iyo aqoon dheeraad ahna waxay inoo sahlaysaa in aan xusuusano aayadaha quraanka ah ee ilaahay ku suntay kitaabkiisa: Hadii ay wax kaa waydiiyaan ruuxda ( nafta) (nebiyow). Ku dheh,” Ruuxdu waa arrimaha Rabigay. Dadkana lama siin Cilmi in yar moyee.”(Isra 17:85)
Waxaa turjumay
Farxaan Aadan Haybe