WAX KA BARO BISHA RAMADAAN Qaybtii 28aad

0
545

WAX KA BARO BISHA RAMADAAN
QORMADII 28-AAD
28. XAALKAAGU SIDUU NOQON RAMADAAN BAXDO.
Hargeysa(Warsugannews)Ramadaan waxaynu kaga jirnaa ayaamihii u danbeeyey ee ay inagu macasaalamaynaysay, ramadaan tagaytay, ayaamo tirsan way inagu dhaaftay, waynu qaabilnay inagoo farxsan jeclayn u hanwaynayn, way inoo timid inagoo ku camirnay maalmaheedii tirsanaa camalkasta oo khayr lahaa, maantana Alle ka baryeyna inuu camalkii aansoo qabanay inaga ajiibo, laakiin waxkastoo yimaad wuu dhamaadaa, mahad Eebbe ha ka gaadhee ramadaan nabadgalyo ayey inoogu dhamaatay, waxaynu rajeynaynaa inuu camalkaa inaga aqbalo, laakiin su’aashu waxay tahay sidaynu noqon ramadaan kadib?
Qofka muslimka ahi wuu ducaysanayey intuu ramadaan ku jiray oo dhan, Rabbigii ayuu baryi jiray inuu ka maydho danbigii uu falay, iyo gafkii ka dhacay, baryadii adoonku baryey Allihii kadib, maanta oo ay ramadaan baxday wuxuu rajaynayaa inuu Eebbe ka aqbalo dalabkaa uu Rabbigii u fidiyey, waayo asaxaabtii Rasuulku (NNKHH) waxay ahaayeen qaar lixda bilood ee hore ilaahay ka barya inuu ramadaan gaadhsiiyo, lixda ka danbeeya ramadaana waxa Rabbi baryi jireen inuu camalka ay soo sameeyeen inuu ka aqbalo, waa sidaas maanta inaguna ramadaan dhamaadkeedan Rabbi ka baryeynaa inuu camalkii, qiyaamu laylkii, ducadii, quraan akhriskii, sadaqadii iyo camalkasta oo khayr lahaa Rabbi inaga ajiibo.
Haddaba ramadaan markay baxdo ayaamo kadib, masjidka camiran ma camirnaan doonaa?, salaadaha jamac ma ku tukan doontaa?, khayr ma joogtayn doontaa?, xaalkaagu ma isbadali doonaa ayaamo kadib?, ma ku laaban doontaa gaf-gafkii kaa dhici jiray?, ma noqon doontaa mid camalkii wanaagsanaa ee uu soo sameeyey gadaal ka xumeeya? Alle kaama yeele.
Xaalka dadkeena waynu wada naqaan, dhamaan warkeenu isma seegana, waynu ognayhay xaalkeenu halkuu marayo, war iskuma keen seegana, ramadaan waynu da’daalnaa laakiin maalinka ay baxdo ayaa inoogu danbaysa, kolay siyaabo badan ayaa keenaya inay dhacaan, laakin kama jawaabi karo waxa dhabta ah ee ka danbeeya in dadku sidaa falaan, laakiin waxaan Rabbi ka baryayaa inaynaan noqon kuwii Rabbi quraankiisa ku yidhi”.. .ma waxydin ku noqon cidhbihiinii hore” aynu Ilaahay hortiis ramadaan inatayna inaga bixin balan qaadano in albaabada macaasida sidaa inaga xidhnaanayaan dibna ugu laabanayn, Alle ka barino inuu inala qabto kadib Alle tala saarano.
Alle kaama yeele ha noqon mid camalkii uu soo sameeyey xaga danbe ka khariba, masjidkii uu camirtay intay ramadaan joogtay ha noqon mid faaruqiya malinkay baxdo, salaaduhu yaanay jamaca kugu dhaafin sidaad maanta tahay, noqo mid macaasi ka dheeraada aan ku dhicina, waxaana ka mid ah calaamadaha lagu garto in qofkii ducaddii laga ajiibay waxa ka mid ah in lagu arko isagoo qofkii ciabddaba cibaaddo ku xigsiinaya, markaa xataa in ducadaadii la aqbalay markay ramadaan baxdo ayaa lagaa garan, inaad khayr mid kale raaciso, iyo inaad tiraa ramadaan tagatay camalkaan qabanayeyna ramaadan uun buu ahaa.
Ramadaan kadib talaw siduu xaalkeenu noqon!, ramadaan way galbanysaa, waxaan filayaa wax kastoo khayr leh inaynu la nimaad, qofkstaw inaad intaad ramadaan soo fashay kasii badiso mooyaane haka yarayn, maanata Rabbiga ad caabuday Ramadaan kadib wuu joogaa, haddii dar Alle kaa ahayd camalkaad soo qabanaysay ramaadaan markaybaxdo ayaa lagaa garan, ha noqon mid la yidhaa wuu tukan jiray, diintuna maaha maanta waan tukanayaa barina yeelkeed, haddii kale xaalkaagu wuxuu noqon runtii mid laga dayriyo, Allana waydiiso inuu camalkaa aad soo samaysay kugu sii nagaadiyo, waddad toosana adiga iyo umadda muslimka ahba idinku hanuuniyo.
Ramadaan waxay ahayd maal-mahaa aynu tirinaynay kaw ayeynu nidhi maanta waynu dhamaynay, maankana ku hayso in cimrigaagu u dhamaan sidaa ramadaan u dhamaatay, camalkana sii libin-laab, khayrkuna yaanu kaa noqon mid ramadaan kueg.
W/Q: C/RAXMAAN C/LAAHI WIRDAANI