Wasiir Cadami Oo Ka Hadlay Dhaawaca Taliyaha Qaranka Aagga Badhan iyo Muranka Ka Aloosan Xisbiga Kulmiye

0
613

Wasiir Cadami Oo Ka Hadlay Dhaawaca Taliyaha Qaranka Aagga Badhan iyo Muranka Ka Aloosan Xisbiga Kulmiye

Hargeysa(WARSUGANNEWS)Axmed Xaaji Cali Cadami, wasiirka gaashaandhiga Somaliland ayaa sharaxaad ka bixiyay dhaawac soo gaadhay taliyaha militariga badhan. Waxa uu sidoo kale sharaxay aragtidiisa muranka Kulmiye ka soo cusboonaaday maalmihii u dambeeyay.

Ugu horayn wasiirku waxa uu sharaxay sida uu ku yimid dhaawaca Taliyaha Ciidanka Qaranka Aagga Badhan Kabtan Yaasiin Cismaan Saalax (Guray) “Horta taliyuhu wuxuu ku dhaawacmay shil qadar ah oo aan isku day dil ahayn, waxaanu ka dhacay Jaamacadda Badhan horteeda, halkaasoo uu taliyuhu u yimi buuq ka jiray iyo dhalinyarro goobtaa isku dilayay,markii uu soo gaadhay Jaamacadda Badhan,ayuu taliyuhu ka soo degay gaadhigiisa waxaanu isku dayay in uu kala dhex galo laba dhalinyarro ah oo markaa is dilayay oo muran dhalinyarro u dhexeeyay waxaana goobta joogay labada dhalinyarrada ah ee is dilayay dad la kala safan markii uu taliyuhu soo degay ee uu kala qabtay labadii nin ee is dilayay oo meesha buuq ka yara bilaabmay ayuu askarigii boodhigaadhka u ahaa ka soo booday gaadhigii ay wateen ka dibna boodadii iyo waxaa is raacay laba xabadood oo si ka ma,ah uga qarxay askariga,nasiib darro labadii xabadood ee qoriga askariga ka qarxayna waxay ku dhaceen Taliye Guray.

Markaa taliyuhu sidaas ayuu ku dhaawacmay dhaawiciisana waxaa lagu dawaynayaa cisbitaalka Badhan,xaaladiisa si dhow ayaanu ula soconaa markii hore waxaanu doonaynay in loo soo qaado dhanka Magaalada Ceerigaabo laakiin markii la daweeyay ee arrintiisu mid fudud noqotay dhakhtaradii gacanta ku haysayna sheegtay in aanay hadda jirin xaalad culus oo loo soo qaadaa waxaanu u daynay dhakhaatiirta imika dawayntiisa gacanta ku haysa imikana (xalay) waanu wada hadalnay oo sidii uu markii hore ahaa aad ayuu uga wanaagsanaa qarankuna wuu ogyahay kaalinta uu difaaca dalka kaga jiro. Askariga xabadu kaga qaraxdyna isna wuxuu is lahaa uun taliyahaaga gaadh yaan wax loo gaysane oo deg deg ayuu gaadhiga kaga soo booday boodadii ayuun baanay rasaastu ka qaraxday. Imikana askarigii wuxuu ku xidhan yahay xerada ciidanka qaranka ee Badhan,” ayuu yidhi Mr Cadami oo wargeyska Dawan u waramay.

Wasiir Cadami ayaa sidoo kale wax laga waydiiyay muranka shirka golaha dhexe ee Kulmiye ka aloosmay iyo bal inuu musharax yahay isagu “Waxaa kale oo aanu wax ka waydiinay in uu jiro musharax rasmi ah oo u tartamaya Xisbi Xaakimka uu ka midka yahay iyo loolanka ka dhex taagan musharixiinta Xisbi Xaakimka Somaliland ee KULMIYE iyo shakiga ay ragga qaar ka muujiyeen soo buuxinta Xubnaha ka bannaanaaday golaha dhexe ee Xisbiga.waxaanu ku jawaabay. “Horta musharixiinta Xisbiga ee illaa hadda ku dhawaaqay in ay tartamayaan waxaan ogahay Guddoomiyaha Xisbiga Muuse Biixi,Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi,Cabdicasiis Samaale iyo Xildhibaan Kijaandhe, laakiin waa suuro-gal in ay rag kalena isa soo sharaxaan, qof kasta oo hankiisa tijaabin karana waa u fasax in uu is sharaxo, laakiin waxaan u arkaa in ay deg-dageen oo aanay wakhtigeedii gaadhin isla markaana ay ahayd horta iyadoo la aamusan yahay oo qofkii wax is bidayaaba hankiisa qarsanayo in shirka golaha dhexe ee KULMIYE aanu si miyir qabta u qabsanno oo halkaa markaa ninkii wax doonayaa ka tartamo laakiin imika waa wax lagu deg degay oo aan xiligeedii iyo marxaladeedii taagnayn.

Waxaa kale oo jira musharixiin cabasho qaba oo kulan ugu yimi Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland,kulankaana aniga (Wasiirka Gaashaandhigga) iyo Wasiirka Arrimaha guduhuba goob joog ayaanu ka ahayn,waxaanay ka cabanayeen sida loo soo buuxinayo xubnaha golaha dhexe ee Xisbiga ka bannaanaaday ee ama geeriyooday ama si kaleba uga baxay xisbiga Liiska rasmiga ah ee sharciga ah ee golaha dhexena waa kii aanu ka soo saarnay shirweynihii Xisbiga waanay isla waafaqsan yihiin labada dhinacba laakiin sida xubnaha dhiman loo soo buuxinayo ayay ku muran sanaayeen laakiin taana waxaa soo buuxinaya cidda ay metelayeen ee ay xisbiga ugu jireen oo sidaas ayuu sharcigu yahay.”

Wasiirka oo la weydiiyay isagu shakhsiyan cidda uu taageersan yahay musharixiinta illaa hadda ku dhawaaqay in ay tartamayaan,waxaanu yidhi “Horta wali xilli hore weeyaan nin weyn oo qaranka xil u haya oo masuul ahna waan ahay, markaa maaha in aan wax aan laba gaadhin sii sheego imika laakiin waxaan caddayn doonaa mawqifkayga markeeda iyo halkeeda laakiin imika waxaan ku talinayaa oo kaliya in shirka golaha dhexe ee Xisbiga si nabad qab ah oo miyir qab ah oo masuuliyad ah in loo qaban qaabiyo iyo in tallada lala sugo Madaxweynaha oo dhakhso u imanaya si shirka golaha dhexe annagoo gacmaha is wada haysana oo KULMIYE wada ah aanu u qabsano halkaana markaa ninkii diyaar ahi ka tartamo oo si cad oo xalaal ah madal aan qarsoonayn la isugu muujiyo aniguna markeeda iyo goobtaas ayaan la sugayaa taageeradayda laakiin imika ciddaa iyo ciddaa ayaan taageersan nahay odhan maayo waanay ii wada siman yihiin.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here