Ceeb iyo Fadeexad Dul Hoganaysa Qaar Kamida Shaqaalaha Dawlada Oo Ku Milmay Saaxada Siyaasada Kulmiye Iyo Hay’addii Shaqaalaha Dawlada Oo Xilkeedii Gabtay

0
344

Ceeb iyo Fadeexad Dul Hoganaysa Qaar Kamida Shaqaalaha Dawlada Oo Ku Milmay Saaxada Siyaasada Kulmiye Iyo Hay’addii Shaqaalaha Dawlada Oo Xilkeedii Gabtay.

Salaan qaayo badan iga gudooma dhamaan warbaahinta kala duwan ee xortaa islamarkaana soo gudbisa Wararka, Warbixinaha iyo afkaarta kala duwan ee Bulshada waxaan qalinka u qaatay ka dib markii aan arkay arimo arimo maal mihii lasoo dhaafay si weyn uga dhex muuqday Baraha Bulshada ku xidhiidho ee loo yaqaan Social Media qaar kamida Shaqaalaha Dawlada Somaliland oo si weyn ugu jiray Kaambayn Dhanka Siyaasada ah oo wakhtigan ay ku Hirdamayaan qaar kamida Xubnaha Golaha Dhexe iyo Hogaanka Xisbigaasi oo shaaciyey inay yihiin Murashaxiin.

Ceeb iyo Fadeexad ka ma jirto in Shaqaalihii Dawlada qaar kood lagu arko iyagoo ku jira Kaan banyn Siyaasadeed islamarkaana la kala saftay Shikhsiyaad Siyaasiyiin ah oo iyagu ku loolamaaya Siyaasada, Hadaba waxaa maal mihii lasoo dhaafay si weyn loo arkaayey Baraha Bulshadu Ku Xidhiidho Qaar kamida Shaqaalaha oo qaarkood xilal hayaan oo caadaystay inay Garabyada siyaasada ku hirdamaaya ku dhex milmaan islamarkaana ay muujiyaan Taageero heerkeedu sareeyo iyagoo la safan dhinac ka mida dhinacyadaasi loolanku ka dhexeeyo, Arintan oo dadka qaarkii la yaabeen, sidoo kalena qeyrul sharciya sharaf xumo iyo karaamo dhacna ku ah akhliqiyaadka iyo sumacada Shaqaalaha Dawlada, waxaa ceeb oo fadeexad ah in shaqaale dawladeed lagu arko Kaanbaynada iyo Goobaha siyaasada taasoo meel ka dhac ku ah sharciga u yaala shaqaalaha dawlada oo ah inaan lagu arkin masraxyada siyaasada islamarkaana ay ka fogaadaan loolanada siyaasada.

Hay’adda shaqaalaha Somaliland oo iyadu qaabilsan hawlaha shaqaalaha dawlada islamarkaana ka mida Hay’addaha Dawlada ugu muhiimsan ayaan wali talaabo sharciya ka qaadin Shaqaalaha dawlada ee ku dhex milmay Saaxada Siyaasada Kulmiye iyadoo ay xaaraan ka tahay Shaqaalaha dhexgalka siyaasada balse qaar kamida shaqaaluhu ku faanan inay taageerayaal u yihiin qaar kamida siyaasiyiinta Xisbiga Kulmiye taasina ay karaamo xumo ku tahay Dawlada Somaliland in la kala garan waayo siyaasiyigii iyo shaqaalihii qaranka iyadoo u muuqata inay luntay kala danbayntii iyo nidaamkii sharciga ee ahaa wax kala xakamaynaayey, Hayadan shaqaalaha ayey u taalaa inay talaabo rasmiya ka qaado oo sharciga mariso wixii ka gudbay Xayndaabka.

Wa Bilaahi Tawfiiq.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here