Wasiir Maxamud Xaashi waa Astaan Qurux badan oo Qaranku leeyahay

0
655

Marka Hore Waxaan salaamayaa dhamaan Shacabweynaha reer somaliland iyo guud ahaanba Bahda Saxafadda ee tixgalisa Aragtidda Akhristayaasheeda iyo isweydaarsiga fikradaha .

maan jeclayn inaan maqaalo , u muuqda kuwo dhuuni lagu doonayo daabaco ama qoro , laakiin waxaan jeclaystay inaan tilmaamo Waxqabadka Xukumadda Kulmiye iyo Wasiirka Duulista hawadda iyo waliba madaxda Qarankeena ee uu ugu horeeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda JSL iyo Marwadiisa Sharafta iyo Karaamada leh ee Aamina Weris.

Wasiirka Duulista hawadda iyo Gadiidka Cirka Mudane Maxamud Xaashi Cabdi wuxuu mudan yahay bilan geesi , sababtuna Waxay tahay , waxaad dhawaan la socoteen in dad aan jeclayn Somaliland oo uu ugu horeeyay guddoomiyihii hore ee Gobolka banaadir Tarsan uu qiray horumarka Madaarka Caalamiga ah ee Caasimadda Hargeysa.

Akhriste bal isweydii Sababta Diyaaradaha Caalamiga ah ee Ethiopian Airline , Iyo Fly Dubai ay Mugdisho oo run ahaantii inaga Mashquul iyo dad badan u Tagi waayeen, ee Hargeisa u yimaadeen , Arrintaasi waxaan Qabaa waa dedaalka iyo Kartidda Wasiir Maxamud Xaaji Cabdi iyo Xukumadda uu Ka Tirsan yahay waxaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda somaliland uga Mahadcelinayaa sidduu u gartay inuu Wasiirka Duulista Hawadda iyo Gaadiidka Cirka u magacaabo Wasiir Maxamud Xaashi Cabdi.

Wasiirka Duulista Hawadda iyo Gaadiidka Cirka Mudane Maxamud Xaashi Cabdi wuxuu indhaha caalamka iyo Tartarka duulimaadyadda adduunka kusoo jeediyay Madaarka Caasimadda Hargeysa ee Cigaal International Airport , wuxuu ku Guulaystay inuu noqdo wasiir indhaha u fiiqay somaliland maadaama madaaradda dalku miyihiin Muraayaddii Jamhuuriyadda somaliland.

Wasiir Maxamud Xaashi Cabdi waa masuul Qaranka somaliland iyo dadkiisuba ku xasuusan doonaan dedaal iyo waxqabad , Hawlkarnimo , waxaanna Rajaynayaa insha allaah inuu mar uun noqdo masuul Qarankan somaliland ku Hogaamiya tubta horumarka ee uu astaanta u yahay .
Wabilaahi Tawfiiq

Mohamed Waddani
wadanisomaliland@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here