Wasiir Xirsi Waji Gabax Kalamuu Kulmin Shirarkii Qorilugud Iyo Qaloocan Ee Sharaf Buu Kala Kulmay La,aantiina May Xidhmeen Shirarkaasi

0
371

Dhawaan waxaa Magaalooyinka Qorilugud iyo Qaloocan lagu soo gaba gabeeyey Shirar halkaasi uga socday dadka dega deegaanadaasi, waxaana shirarkaasi gunaanadkoodii ka qeyb galay wafti balaadhan oo uu hogaaminaayo Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan , Shirarkaasi ayaa dadka dega deegaanadaasi kaga tashanaayeen aayahooda nabada deegaankooda iyo danta guud ee dalka Somaliland, ugu danbayntiina waxaa laga soo saaray qodobo dhawra kuwaas oo laysku afgartay.

Hadaba 30-08-2015 ayaa waxaa warbaahinta online kaa qaarkeed kusoo baxay maqaal ciwaan looga dhigay Wasiir xirsi oo waji gabax kala kulmay shirarkii Qorilugud iyo Qaloocan hasa ahaatee maqaaladaasi ayaa ahaa kuwo been abuura oo qof loo so daba ka dhiibay, wasiir xirsi oo kamida wasiirada xukuumada Madaxweyne siilaanyo ayaa kuwooda ugu waxqabadka badan islamarkaana ah hormuudka wasiirada hawlkarnimada ayaa isaga daraadii dhawr jeer oo baahiyey in lasoo afmeero shirarkaasi ka dib markii dadkii halkaasi ku shiraayey ay diideen in shirkooda lasoo gaba gabeeyo ilaa wasiir xirsi ka yimaado isagoo wakhtigaasi wasiirkuna hawlo shaqo ugu maqnaa Wadanka aynu jaarka nahay ee Itoobiy.

Waxaa beryihii u danbeeyey warbaahinta kusoo badanaayey qoraalada ay qorayaan dadka aan aqoonta iyo aragtida fog lahayn ee meel dhaw wax ka arka islamaarkaana awr kiroolayaasha ah ee u adeega siyaasiyiinta iyo shikhsiyaadka kasoo horjeeda horumarka iyo shikhsiyada Wasiirka Madaxtooyada oo ilaahay siiyey haybad iyo sharaf uu kaga soo dhex mudhay siyaasiyiinta inta kale, waa hubaal ruux kasta oo leh karti iyo aqoon firin fircooni dheeraad ah inuu yeesho cadow badan oo ka xun horumarkiisa waana somalida caadadeeda.

Talada aan siinayaa inamada yar yare ee qabyaaladu madaxa ka gashay una tafa xaytay cayda iyo aflagaadada Wasiir Xirsi , waxaan leeyahay naftiina u tudha oo iska daaya xaasidnimada xiqdiga isku jira waayo xirsi ilaahaybaa haybada iyo sharafta siiyey nin aad qabyaalad ugu hiilinaysana oo idin odhanaaya xirsi caayana meel gaadhsiin maysaan, hana ku asqoobina siyaasada .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here