Wasiir Xirsi: Marka degmadu yeelato saldhig boolis oo ku qalabaysan ciidan iyo wax walba oo lagama maarmaan u ahaa adkaynta nabadgelyada +Sawiro

0
415

Marka degmadu yeelato saldhig boolis oo ku qalabaysan ciidan iyo wax walba oo lagama maarmaan u ahaa adkaynta nabadgelyada isla markaana hesho Maxkmad xukunta dambiilaha lasoo qabto waxaa hubaal ah in ay cagta saartay dhabadii horumarka halkaasna ay ku heshay xakamo kala dabaala bulshada goobta kuwada dhaqan”
++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++

Waxay ahayd maanta kadib markaan socdaal shaqo ku gaadhnay degmada Sayla halkaas oo aan u tegnay furitaanka saldhig boolis iyo dhagax dhiga mashaariic horumarineed oo bulshadu baahi weyn u qabtay.

Socdaalkan shaqo oo aan isku wehelinaynay Wasiirka Wasaarada Maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan, Wasiir-ku-xigeenka Amniga ee wasaaradda arrimaha gudaha Mudane Cabdi Daahir Camuudi, taliyaha ciidanka booliska sareeye guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan , Xildhibaano iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa ahaa mid looga gol lahaa dardar gelinta hawlaha maamul ee degmada iyo indho-indhaynta baahida aasaasiga ah ee ka jirta guud ahaanba deegaanka.

Intii aan ku sugnayn degmada ayaan bulshada halkaas ku sugan u furnay saldhig boolis oo ay iska kaashadeen bulshada ku nool degmada iyo dawladu kaasi oo wax badan ka tari doonaa nabadgelyada isla markaana xoojin doona habsami u socodka hawl maalmeedka bulshada ku dhaqan Sayla

Waxaan si gaar ah u xusayaa Muwaadinada Hibaaq Yusuf Adan oo gacan weyn ka gaysatay hirgalinta dhismaha saldhigan boolis “ waa bisaylka iyo dal-jacaylnimada dadkeena in ay xataa gacan ka gaystaan adkaynta nabadgelyada isla markaana gartaan in Boolisku yahay saxiibka dadweynaha”

Waxaan sidoo kale dhagaxii bilowga u dhignay laba dhisme oo degmadu baahi weyn u qabtay kuwaas oo kala ahaa Maxkamadii degmada iyo gurigii martida.

“Marka degmadu yeelato saldhig boolis oo ku qalabaysan ciidan iyo wax walba oo lagama maarmaan u ahaa adkaynta nabadgelyada isla markaana hesho Maxkmad xukunta dambiilaha lasoo qabto waxaa hubaal ah in ay cagta saartay dhabadii horumarka halkaasna ay ku heshay xakamo kala dabaala bulshada goobta kuwada dhaqan”

Qofna korkiisa biyo kama hagrado sidaasi si lamid ahna dawlada waxaa ka go’an horumarinta degmo iyo deegaan walba kolba intii suurogal ah ee aynu dawlad iyo shacaba isku kaashano guusha dalkeena Somaliland
16987_943220869084575_8525978551860546431_n

10985265_943223165751012_5919138704059761944_n

11052231_943226545750674_4821621940910860164_n

11215851_943221929084469_7051890641135396458_n

11224667_943221362417859_7820521370198648202_n

11752436_943220615751267_8692061181087831801_n

11846788_943223305750998_2810530023921646759_n

11917480_943226329084029_845820780520153823_n

11940715_943219509084711_5420317162354779851_n

11947618_943225839084078_7224098875660778888_n

11949418_943220675751261_6169448484485694652_n

11951148_943220372417958_6686810559502082611_n

11951207_943220505751278_6897499396825368681_n

11951768_943222105751118_3269880619215201893_n

11954593_943232702416725_8290501374545725119_n

11986474_943222042417791_2066269391037009612_n

11987024_943222522417743_1170831218111349648_n

11987042_943224025750926_4387874119057601230_n

11988351_943225115750817_6101117313306670378_n

11988387_943222952417700_7684072290063263069_n

11990422_943226362417359_8275944375457751362_n

11990641_943226425750686_8808243467056048579_n
Wa Bilaahi Tawfiiq

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here