Wasiirka Maaliyadda Somaliland Oo Ku Dhawaaqday Xiliga La Bilaabi Doono Ururinta Cashuurta Wado-marista Ee Hore Ee Sanadka

0
487

Wasiirka Maaliyadda Somaliland Oo Ku Dhawaaqday Xiliga La Bilaabi Doono Ururinta Cashuurta Wado-marista Ee Hore Ee Sanadka

Hargeysa, January 4, 2017 (Warsugan) –Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa shalay si rasmi ah ugu dhawaaqday inay todobaadka soo socda bilaabmi doonto ururinta cashuurta wado marista gaadiidka sanadkan 2017 lixda bilood ee hore.

Wasiir Samsam Cabdi Aaden waxa ay sidaasi ku sheegtay mar ay shalay warbaahinta kula hadashay xafiiskeeda, iyadoo sidoo kale uga mahadnaqday muwaadiniinta reer Somaliland ee cashuur bixiyayaasha ah sida wanaagsan ee ay mar walba ula shaqeeyaan, isla markaana ay diyaarka ugu yihiin inay bixiyaan cashuurkasta oo ku waajibtay.

Wasiiradda maaliyadda marwo Samsam waxa sidoo kale ugu baaqday dhamaanba gaadiidlayda reer Somaliland inay hawl-wadeenada cashuuraha iyo ciidamada wado-maristaba inay si wanaagsan ula shaqeeyaan oo ay goostaan istiikarka wado-marista oo todobaadkan gudihiisa laga wada heli doono dhamaanta goobihii hore loogu bixin jiray ee wasaaradda maaliyadu ku leedahay gobolada iyo degmooyinka dalka.

Ugu horayna Marwo Samsam Cabdi Aadan iyadoo arimahaasi ka hadlaysa, waxa hadalkeeda ku bilawday “Waxaan ku wargalinaynaa gaadiidleyda reer Somaliland ee cashuur bixiyeyaasha ah ee sida fiican noola shaqeeya marwalba oo iyaga ugu horayn aan aad iyo aad ugu mahad celinayo oo marka aan dariiq marayo ayey I weydiiyaan oo ay yidhaahdaan maydaan keenin wado maristii cusbayd Wasiir? waxaan doonayaa inaan markaa u sheego inay bilaabmayso January waana mid cusub oo sheeda ka muuqandoonta marka dirawal kastaa gaadiidkiisa ha ku dhajiyo”.

Wasiirka Maaliyadda marwo Samsam Cabdi Aadan iyadoo hadalkeeda sii wadata waxay intaasi raacisay “Insha all wiiga soo socda ayaa la bilaabi doonaa gaadiidka yar yar iyo kuwa waaweynba liisamada cusboonaysiin toodan way soo doonanayaan, markaa waxaan ka codsanaynaa inay sidaas ugu dadaalaan inay cashuurta bixiyaan muwaadiniinteenu ayaanu anaguna ugu dedaalaynaa, waxaanay taasi keeni doontaa inaanay jidadka isku qabqabsanin ciidamada wado-marista oo wadooyinku cidhiidhi inaga noqonin oo dariiqyadu aanay inaga xanibmin. Ugu danbayn waxaan qofwalba oo muwaadin ah leeyahay soo doono wiiga soo socda gooso wado maristaada ku dhajiso gaadhigaaga insha all dhibaato arki maysid oo waqtina kaa lumana arki maysid”.