Ceerigaabo: Wasiirka Biyaha Oo Walaac Ka Muujiyay Xaaladda Abaarta Iyo Dhibka Dhuxulaysiga

0
421

Ceerigaabo: Wasiirka Biyaha Oo Walaac Ka Muujiyay Xaaladda Abaarta Iyo Dhibka Dhuxulaysiga

Ceerigaabo(Warsugan) Badhasaabka gobolka Sanaag, maayarka Ceerigaabo, madaxda laamaha dawladda, madaxdhaqameedka iyo qaybaha bulshada ayaa shalay si balaadhan magaalada Ceerigaabo ugu soo dhaweeyay wasiirka biyaha Somaliland Xuseen Cabdi Boos oo socdaal abaaraha la xidhiidha ku marayay degaanno ka tirsan gobolka Sool iyo Sanaag.

Badhasaab Axmed Cabdi Falaay, Maayar Ismaaciil Xaaji Nuur iyo odayaal tiro badan oo wasiirka kaga hortagay duleedka Ceerigaabo ayaa wasiirka ku soo dhaweeyay degaanka “Waxaa ku soo dhaweynaya wasiir dhammaan reer Ceerigaabo, iyagoo wata maamulkooda, madaxdhaqameedka, wasaaraddihii, waxaanu ku leenahay ku soo dhawoow magaaladaada Ceerigaabo,” ayuu yidhi maayarka Ceerigaabo.

Wasiirka biyaha oo maalmihii u dambeeyay xaaladda abaaraha ee gobollada Sool iyo Sanaag kormeerayay ayaa sheegay in xaaladdu tahay mid daran laakiin, xaalufinta degaanku tahay mid ka sii daran oo u baahan waxka qabasho degdeg ah “Socdaalkaygu wuxuu ahaa socdaal dheer oo indho-indhaynta abaaraha ah, runtii indhahayga ayaan ku soo arkay xaaladda abaaraha. Waxa iyana runtii abaarta ka daran oo dhibaato ah oo aan aad u rabaa inaynu wax ka qabanno dhuxulaysiga. Dhuxusha iyo degaanka, laamaha ay khusayso aad baynu ugala hawl galaynaa,” ayuu yidhi wasiirku.

Wasiirka oo ka mid ahaa wefti wasiirro iyo hoggaanka Kulmiye ah oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa Laascaanood ayaa soo maray degaanno badan oo abaaruhu saameeyeen, waxaanu sheegay in xaaladda abaartu tahay mid adag.
Xigasho Wargeyska Warsugan