Wasiirkii Warfaafinta Xukuumaddii Melez Zenawi Oo Ka Hadlay Sababta Ay U Heshiisin Waayeen Somaliland Iyo Soomaaliya

0
577

Wasiirkii Warfaafinta Xukuumaddii Melez Zenawi Oo Ka Hadlay Sababta Ay U Heshiisin Waayeen Somaliland Iyo Soomaaliya

 

Addis-Ababa, 17 June 2020 (Warsugan)-Wasiirkii horre ee Warfaafinta xukuumaddii Ra’iisal wasaare Melez Zenawi, ayaa sheegay sababta xukuumaddii uu ka tirsanna u dhex-dhexaadin wayday Somaliland iyo Soomaaliya oo murankooddu gaadhay 30-sannadood. Islamarkaanna wuxuu sheegay in Ra’iisalwasaare Abiy Axmed isu-diray Shacabka Somaliland iyo Madaxweynahoodda.

 

Wasiirkii horre ee warfaafinta xukuumaddii Melez Zenawi wuxuu sheegay in aannu Ra’iisalwasaare Abiy Axmed aqoonin diyaaradda saaran badhtamaha Hargeysa sababta meesha loo saaray.

 

Wasiirkii horre ee warfaafinta oo arrimaha ka hadlay wuxuu yidhi ” Somaliland waxa ay June 26,1960 xoriyad ka qaadatay Ingiriiska,Soomaaliyana July 1,1960,kooxda Ingiriiska uu maamulaayay ayaa la midoobay kooxdii uu talyaanigu maamulaayay.Halgan dheer ka dib May 18,1991,qaybta uu maamulaayay Ingiriiska ayaa waxay ku dhawaaqeen in ay dib uga noqdeen midnimadii ay la galeen Soomaaliya, markaas anniga waxa aan joogay Addis Ababa. Waxa jiray xidhiidh aan toos ahayn oo uu waday Melez Zenawi oo ahaa in uu xaaladda Somaliland u soo bandhigo Ururka Midowga Afrika. Waayo ilaa hadda ma jirto go’aan kale oo aan ahayn ka soo noqoshada midowgii ay la galeen Soomaaliya oo ay aaminsan yihiin dadka Somaliland.Marba haddii aanay rabin in ay dib ula midoobaan  Soomaaliya, markaas ma jirto sabab aan u heshiisiinayno Somaliland iyo Soomaaliya,laakiin waxa aan kor u qaadnay xidhiidhka Itoobiya iyo Somaliland.”Ayuu yidhi Getachew Reda

 

Wasiirkii horre ee dawladdii Melez Zenawi Getachew Reda wuxuu sheegay in dalka itoobiya uu ra’iisalwasaare ka noqday nin degdegay “Ethiopia waxa Ra’iisal Wasaare ka ah nin aad u degdegaya oo khatar galinaya nabadda Itoobiya iyo waddamada dariskeeda ah. Waxa ka jira qalalaase siyaasadeed gudaha Itoobiya. Waanna taas sababta ay isku casishay Afhayeenka Golaha Federaalka Itoobiya Keria Ibrahim. Abiy Ahmed inta aannu dhex-galin Somaliland iyo Soomaaliya waa inuu u soo jeestaa waaqica ka jira gudaha Itoobiya, iyadoo qalaalaasaha ay ku sii fideen gobolada gudaha Itoobiya taas oo ay sabab u tahay doorashooyinka uu dib u dhigay.”Ayuu yidhi Getachew Reda

 

Sidoo kale, wasiirkii horre ee xukuumadda Zenawi wuxuu sheegay in aannu Abiy Axmed ka jawaabi karin diyaaradda ku dhex-taal badhtamaha Somaliland ujeedadeedda “Waxa jirta in Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed aanu taariikhda Somaliland aqoonba u lahayn. Maanta hadaan weyddiiyo waa maxay diyaaradda taalo ahaan u taala badhtamaha Hargeisa,kuuma sheegi karo,sababta oo ah aqoonba uma laha Somaliland?.”Ayuu yidhi Getachew Reda

 

Dhinaca kale, Getachew Read wuxuu sheegay marka siddeebuu nin aan aqoon u lahayn Somaliland u dhex-dhexaadin kara Somaliland iyo Soomaaliya “Markaa sidee baa nin aan aqoonba u lahayn Somaliland,moodayana sida gobolka Tigre ama gobolka Oromia ama  gobolka Amara uu u heshiisiin karaa Somaliland iyo Soomaaliya?.Inta aanu heshiisiin ha soo barto in ay laba wadan kala ahaayeen Somaliland iyo Soomaaliya. Waayo  Deg-dega ka muuqda Abiy Ahmed waxa uu khatar galiyey Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, ka dib markii uu damcay in isaga iyo Madaxweynaha Soomaaliya ay ka soo degaan Hargaysa.Waxa uu isku diray shacabka Somaliland iyo Madaxweynahooda.”

 

Wargeyska Warsugan Media Group

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here