Wasiirrad Samsam Cabdi Aadam, Waa Haldoorka Wasiirrada Somaliland W/ Q…Cawad Shiine Diiriye

0
387

Wasiirrad Samsam Cabdi Aadam, Waa Haldoorka Wasiirrada Somaliland W/ Q…Cawad Shiine Diiriye

Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Samsam Cabdi Aadan, waxa ay muujisay karti aad u ballaadhan, waxa ay horumar ka samaysay wasaaradihii ay isgaga kala dambaysay, waxa ay horumar ballaadhan ka soo samaysay wasaaradda waxbarashada oo muddo 4 sanno iyo dheeri ah gacanta ku haysay, waxa wasiirku ahaa wasiirka kaliya ee safarkii Madaxweynaha ee Hilaac lagu ammaanay meel kasta oo ay gaadhaan waftigu.

Wasiir Samsam, waxa ay hirgalisay in macalimiinta la diiwaangaliyo oo gunnooyin wanaagsan la siiyo, waxa ay kor u qaatay tayadii dugsiyada dowladda, waxa ay bilaash ka dhigtay waxbarashada dugsiyada hoose dhexe, taas oo culays badan ka ritay waalidiinta Soomaalilaand.

Wasiirrad Samsam, waa wasiir u roon dadka danyarta ah, waa wasiir aan daalin oo soojeed u hurta howsha qaranka ee ay hayso, waxa ay ahayd wasiir ku dhiiratay kala haadinta macalimiinta, iyada oo mar walba kormeer ku soo mari jirtay goobaha waxbarashada ee dalka guud ahaantii.

Wasiirrad Samsam iyada oo laga dheragsanyahay horumarka ballaadhan ee ay ka samaysay wasaaradda waxbarashada iyo guulihii ay gaadhsiisay, ayaa hadda na Madaxweynuhu waxa uu u gartay in uu u wareejiyo wasaaradda maaliyadda Somaliland, waxa ay noqotay wasiirkii ugu horreeyey ee haweenay ah ee xil ka qabata wasaaradda maaliyadda.

Wasiirad Samsam, waxa ay dhexda u xidhatay in wasaaradda dhaqaalaheeda ay kor u qaato, iyada oo wax lacag dhigaal ah looga tagin, ayey ku guulaystay in miisaaniyad ka badan tii hore ay xidho, iyada oo samaysay odoras cusub oo hore Somaliland u gaadhin, taas oo ah 300 Million in 2016 miisaaniyadda qaranku noqoto.

Wasiirka waxa ay hagaajisay nidaamkii wasaaradda maaliyadda, iyada oo team adag na heshay, taas oo la odhan karo waa waxa guusha keenay, wasiir Samsam waxa lagu qiimayn karaa waslad dahab ah oo qarankani leeyahay.

Wasiirku waxa ay ku tallo jirtaa in nidaamka cashuur ururrintu uu noqdo mid casri ah oo horteed aan dalka laga isticmaalin, nidaamkaas oo si dhibyar loogu ururrin karo lacagaha baaqda ee cashuurta, iyada oo nidaamka sugnaanta cashuurta ay qayb ka noqonayso.

Wasiirka waxa kale oo laga rajaynayaa in ay qarankeeda u sii shaqayso si horumar ballaadhan qarankani ugu tallaabasado, waxa kale oo runtii xusid mudan in wasaaradda maaliyadda ay kala shaqeeyaan Maxamed Faarax ducaale oo ah wasiir dowladaha, kaas oo runtii horumarka wasaaradda qayb weyn ka ah, waxa kale oo xusid mudan Maxamed Xasan oo ah agaasimaha guud oo isna runtii si weyn bulshadu u ogsoontahay waxqabadkiisa.

 

Cawad Shiine Diiriye

Hargeisa-Somaliland

Mobile: 4429083