WAX KA BARO BISHA RAMADAAN Qaybtii 21aad

0
365

QORMADII 21-AAD
21. RAMADAAN IYO CAALAMKA
Hargeysa(Warsugannews)waxaynu ka warrami oo aynu maanta ka sheekayn doonaa bisha barakaysan ee ramadaan iyo umada muslimka ah ee dalalka caalamka ku nooli siday u soomaan, iyo wakhtiga ay af xidhanyihiin intuu leegyahay, inagoo qaaradba dhawr dal kasoo qaadan doon hadduu Eebbuhu inoo qadaro insha allaah.
• RAMADAAN IYO SOMALILAND.
Dalka somaliland dhamaantii waa wada islaam, waxaana lagu qiyaasaa dadaka muslimka ah ee ku nool ilaa afarr milyan, waxay soomaan ilaa iyo saddex iyo toban sacaacadood, cimilada dalku waa dhexdhexaad, jawiga ramadaan way ku fiicantahay dalkan.
• RAMADAAN IYO MASAR.
Dalka masar aad ayey u soo dhaweeyaan curashada bisha ramadaan, wakhtiga ama sacaadaha ay soomaan masaaridu waa ilaa afar iyo toban saacadood, cimiladu hadda masar aad ayey u kulushahay, waxaana xusuus mudan in wakhtigan masar xaalad qasan ku jirto, Eebbana uga baryeynaa inuu quluubta is haya mideeyo xaqana garansiiyo.
• RAMADAAN IYO NAYJEERIYA.
Niyjeeriya waa dal ay ku noolyihiin gaalo iyo muslim laakin mu’miniinta kaga badan yihiin gaalada, waana dal ku yaal qaarada afrika, cimilada wadankaasi aad uma kulula, saacadaha ay soomaana waa ilaa saddex iyo toban saacadood.
• RAMADAAN IYO SUCUUDIGA.
Wadanka sucuudi carabiya waa dal ay ku yaalaan meel la tago meesha ugu fadliga badan, MAKKAH IYO MADIINA, waa goobtii nabigeeni suubanaa (NNKHH), waa dal aad looga wayneeyo bishan ramdaan, waxayna caan ku yihiin dadka wadankaasi sadaqada ayey la baxaan bishan waxayna gaar ahaan geeyaan dalalka noloshoodu hoosayso, waxaana ka mida dalkeenan somaliland, cimilada dalkaasina waa kulayl xigeen.
• RAMADAAN IYO SHIINAHA.
Dalka shiinuhu waa dal badankiisu ay yihiin dad gaala ah, laakiin umadda muslimka ah ee halkaas ku dhaqani kuma badana, waana dal aanay cimiladiisu kululayn, waxaan la yidhaa waana goobaha maanta islaamku ku yaryhay, waxaanu ku yaalaa qaarada aasiya.
• RAMADAAN IYO TURKIGA.
Ramadaan markay soo galayso waxa laga dareemaa dalkan turkiga dabaaldagyo lagu soo dhawaynayo bishan barakaysan ee ramadaan, caadana waxa u ah dadka ku nool dalkan Turkiga in qof sooman haday arkaan wakhtiga afurka oo dariiq maray inay gacan qabsadaan oo yidhaahdaan kaalay nala afur, cimilada dalkaas ee wakhtigana waa midaad u fiican.
• RAMADAAN IYO ISWIIDHAN.
Dalkani waa mid ku yaal qaarada yurub, waana dal ay gaaladu aad ugu badan yihiin, muslimka ku nool waxa lagu qiyaasaa nus milyan, wakhtiga baddan ayey soomaan dadkaa mislimka ah ee wadankaa ku dhaqani, laguna qiyaaso ilaa iyo labaatan sacaadadood.
• RAMADAAN IYO ALBAANIYA.
Albaaniya waa dal isna ku yaal isla qaarada yurub, waana dalka ay ku nool yihiin muslimiinta ugu badan qaarada yurub, wakhtiga ay soomanaadaana waa sideed iyo toban saacadood, cimilada wadanksina waa dhexdhexaad.
• RAMADAAN IYO INGIRIISKA.
Wadanka ingiriisku isna waa wadan ay aad ugu dhaqan yihiin umadda muslimku, cimiladda wadankani hadda waa kulayl, taas oo keenta in dadku ka baxaan wadamo kalana ku soo soomaan, wakhtiga la soomo sideed iyo toban.
Dalalkii oo dhan intani maaha laakin inii aan islahaa way ugu mudantahay, waxaana laga yaaba hoosta ayeynu iska lahayn wakhti badan ayaad soontaane qaar inaga daran aragnay, laakiin haday dheertahay iyo haday gaaban tahayba waa arrin lagu raali galinayo Eebbe (swt), taasaana waxkasta ka wayn.

W/Q: C/RAXMAAN C/LAAHI WIRDAANI