Waxaa Cadaynayaa Inaan Ahay Muuse Dabadii Musharaxa Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Inshaalaahu Tacaalaa Taasi Oo Aan Mudaba Ku Taamayay Inaan Jagadaa Gaadho”. Agaasime Ilkacase

0
426

“Waxaa Cadaynayaa Inaan Ahay Muuse Dabadii Musharaxa Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Inshaalaahu Tacaalaa Taasi Oo Aan Mudaba Ku Taamayay Inaan Jagadaa Gaadho”. Agaasime Ilkacase

Hargaysa:(Warsugannews)-Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta,dhaqanka Iyo Wacyi-galinta Somaliland,Maxamed Aadan Ilkacse,ayaa soo dhaweeyay Xubnaha ergooyinka ah ee Gollaha dhexe,kuwaas oo maalintii shalay Gudoomiye Muuse Biixi Qedo ugu sameeyay Hotel Hargaysa ku yaalla,iyaga oo sheegay inay taageeri doonaan marka la gaadho Xiliga Doorashadda Musharaxa Madaxweyne-nimo.

Agaasimaha,ayaa intaas raaciyay inuu yahay Musharaxa Jagadda Gudoonka Xisbiga KULMIYE,marka uu kursiga baneeyo Gudoomiye Muuse Bixi Cabdi.SIdaasna waxa uu ku sheegay Qoraal kooban oo uu Xalay ku baahiyay Bartiisa Xidhiidhka Bulashadda ee Facebook-ga,

“Waxaan Hanblyo iyo Bogaadin u diryaa Xubnaha Golaha Dhexe kaga jira Beesha Subeer Awal ee Maanta Cadaysy Mawqifkeedii Taageerada Musharxnimada Muuse Biixi Cabdi ee Kagada Madaxwayne Nimada Xisbiga Kulmiye.Hanablya Ayàn leeyhay.

Waxaan Cadaynayaa Inaan si buuxda u taageeray mawqifkooda maadama aan ka mud ahay golaha dhexe ee Xisbiga.

Waxaa kaloo cadaynayaa Inaan Ahay Muuse Dabadii Musharaxa Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye inshaalaahu tacaalaa Taasi oo aan mudaba ku taamayay Inaan jagadaa Gaadho”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here