“Waxaan iska diiday Chelsea iyo Arsenal.”. Maldini

0
333

Paolo Maldini ayaa daaha ka rogay inuu iska diiday dalabyo kaga yimid kooxaha ugu tunka wayn London ee Arsenal iyo Chelsea sagaashameeyadii, wuxuuna qiray inuusan marna qorsheyn ama qasadkiisu uusan ahayn inuu ka tago Milan.

Rugcadaaga reer Talyaani ayaa ah laacib hal koox uun u soo ciyaaray, isagoo ka soo baxay akaadamiyada kooxda reer Talyaani ilaamaa uu kabtan ka noqday gegaeda San Siro wuxuuna kula guuleystay koob kasta oo wayn 854 kulan uu u saftay Rossoneri.

Related image

“Waxaan helay labo dalab oo iiga yimid Chelsea iyo Arsenal bartankii sagaashameeyada,” Maldini ayaa sidaa u sheegay Top Calcio 24.

“Sanadahaas waxay Milan heysatay labo xilli ciyaareed iyo dhibaatooyin yar, laakiin marna ma qorsheyn inaan ka tago.

“Waxaan ku kulannay heshiis cusbooneysiinta waxayna labada dhinac yiraahdeen inay doonayaan inay sii wada shaqeeyaan.”.