“Aniguba mararka qaar si xun waan usoo ciyaaray.”. Zidane oo difaacay Cristiano Ronaldo

0
452

Su’aal ayaa la galiyay qaab ciyaareedka Cristiano Ronaldo kaddib labadii guul darro oo is xigtay ee soo gaartay Real Madrid mar dhinaceeda dhulka la dhigi waayay 40-kulan kaddib.

Laakiin tababare Zidane ayaa difaacay xiddigiisa isagoona sheegay in  qudhiisa uu mararka qaar si xun u soo ciyaaray.

“Ronaldo had iyo jeer wuxuu soo jiitaa dhaleeceymo marka uusan si fiican u ciyaareyn,” Zidane ayaa sidaa yiri.

“Farqi ayuu u sameeyaa saaxiibadiisa kooxda laakiin mararka qaar tusaale ahaan haddii uu boos ka duwan ka ciyaarayo,  laga yaabee inuusan si fiican u ciyaarin.

“Way igu dhacday sidaa oo kale. Waxa muhiimka ahna waa in shaqada la sii wado.”.

Image result for Zidane and Danilo

Dhanka kale Zidane oo si wayn u garab istaagay daafaca reer Brazil Danilo oo uu cadaadiska xooga saaran yahay ayaa yiri:

“Xaalada Danilo waa mid aan caddaalad ahayn.

“In badan ma ahan taageerayaasha laakiin waxa laga qoray isaga.

“Waa xirfadle oo markasta wax keena kaa oo si fiican sameyn kara, dabcan sida qofkasta oo kale.

“Waa farxad inaan arko isagoo tababarka sameynaya maalin kasta, 1,000% waan garab taaganahay Danilo, waa ciyaaryahan aan jeclahay.”.