“Waxaan Ku Talinayaa In Dastuurka La Furo Oo Tirada Xildhibaannada La Kordhiyo, Dalkana Loo Sameeyo Laba Madaxweyne Xigeen.Buuhoodle Dawlado Badan Baa Jooga.”Baashe Maxamed Faarax

0
442

“Waxaan Ku Talinayaa In Dastuurka La Furo Oo Tirada Xildhibaannada La Kordhiyo, Dalkana Loo Sameeyo Laba Madaxweyne Xigeen.Buuhoodle Dawlado Badan Baa Jooga.”Baashe Maxamed Faarax

Hargeysa(warsugannews)August-18-2015-Guddoomiye xigeenka koowaad ee golaha wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax, ayaa ku taliyay in qodobo dastuurka Somaliland ah la furo si muranka saami qaybsiga ee wakiillada xal loogu helo.

Mudane Baashe waxa uu sheegay inuu ka xun yahay go’aanka mudaneyaasha gobolada bari golaha kaga maqan yihiin iyagoo saluugsan xeerka doorashada wakiillada ee hor yaala golaha “ aad iyo aad ayaanu uga xunnahay oo waa gobolo muhiim ah, waxaanu xalku ku jiraa inaynu is qancinno. Xeerkani wuxuu ku jiraa ajandaha, ajandahana wuxuu ugu jiraa maaha in bari ama saadambe la soo dhigayo ee xeerka kolba kii diyaar ah ayaa la soo dhigayaa golaha,” ayuu yidhi Mudane Baashe.

Guddoomiye xigeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaasi raaciyay “Xeerkan in wakhti hore la bilaabo ayuu ahaa, waxaanse soo jeedinayaa in la furo dastuurka, in laba ama saddex qodob la furo ayaan talo ku soo jeedinayaa. Furistiisa waa in saddexda gole ku heshiiyaan, haddaanay ku heshiinna lama furi karo, markaa waxaan soo jeedin lahaa in tirada xildhibaannada la kordhiyo, in dalka laba madaxweyne xigeen loo sameeyo, iyo in sidoo kale la bedelo qodobkan dhibta inagu haya ee doorashaa dib u dhacday keenaya”, ayuu yidhi Mudane Baashe.

Dhinaca kale waxa uu Baashe Maxamed Faarax Sheegay in Buuhoodle tahay meel aan maamul ka jirin masuuliyadduna saaran tahay xukumadda “Waad wada og tihiin oo Buuhoodle waa meel aan maamul ka dhisnayn. Waxa wada jooga dawladdo badan oo wada degan, markaa qof kaligii soconayaa waxba kama bedeli karo. Reer Hargeysa TV-yada ayay daawadaane dee waxaa jooga Puntland, Khaatumo qolada isku magacowday, waxa jooga Federalka Somalia, markaa rag dawladdo wada sheegayana ayaa meesha jooga,” ayuu yidhi Mudane Baashe.

Waxa uu sheegay in xukumadda masuuliyadeeda ay tahay ilaalinta xuduudaha Somaliland, isagoo sheegay in wasiir Xaglotoosiye hadda loo diray balse aanu qof kaliyi waxba ka bedelayn Buuhoodle

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here