“Waxaan Madaxweynaha Kula Talinaya Oo Naseex Ah Inuu Ka Joojiyo Cidda Dabada Ka Riixaysa In Hantida Umada Kala Kortay La Siiyo Dad Gaar Ah,” Aden Dholayare

0
372

“Waxaan Madaxweynaha Kula Talinaya Oo Naseex Ah Inuu Ka Joojiyo Cidda Dabada Ka Riixaysa In Hantida Umada Kala Kortay La Siiyo Dad Gaar Ah,” Aden Dholayare

Hargeysa(Warsugannews)Wax badan oo lala yaabo maaha,inuu gacan ka hadal dhexmaro gole baarlamaan waayo wax badan baynu ka daawanay warbaahinta caalamka gole is feedhaya.
Waa caadi arintaasi waxaynu soo aragnay baarlamaanka Jabaan qaar reer Yurub ah.qaar Afrikaan ah,Laakin haddi aynu isweydiino maxay ku dagaalameen ? waa mid golayaal og waajibaadka saaran iyo waxay u dhaarteen iyo xilka ka saaran qarankooda ta labaad waa golayaal u madax banaan fikirkooda oo aan cidi ka dambayn.Haddi ay cidi ka dambayso waxaa ka dambeeyo afkaarta iyo xeerarka xisbigooda oo leh mabda’ ay aan isbed bedal lahayn oo ah ka ay u soo bandhigaan shacabka marka doorasho jirto oo ay la yimaadaan golaha baarlamaanka.

Maaha mid habeenki ay la soo toosaan ama cidi soo farto. Waa barnaamij ku dhisan cilmi oo qoto dheer.Waxba yaynaan isbarbar dhigin dadka noocaas ah ee horumarka gaadhay. waxaynu ka hadlayna maxa keenay in xildhibaanada baarlamaanku u adeegaan kolba cid dano gaar ah leh oo laga yaabo inaanay fahamsanayn ba ujeedada ka dambaysa laakiin ka fakiraan oo qudha marka waxa taagan.

Maalin maalmaha ka mid ah ayaan la sheekaystay xildhibaan ka mid ah baarlamaanka wuxuu igu yidhi sacabkana waxbaanu ka maqala ,hungurigana waxbaanu ka aragna maaha noocaas xildhibaanadu laakin qaar baa ah,inta badan waxay wax ku fuliyaan saaxiib saaxiib wax mabda’ la yidha ma jira.

Runti xildhibaano aad u qiimo badan ayuu goluhu u badan yahay laakin baruur qudha ayaa baruuryo badan qudhmisa.Waxa goluhu leeyahay xildhibaano qiimo badan laakin nasiib darro waxa ina baabi’yay ee qiimaheeni kharibay waa qabyaala fool xun. Halka ay qabyaaladu inala gaadhay xataa culimadeenii ayaa loo sameeyay maah maah odhanaysa fiqi tolkii kama janno tago.Oo waxaad arkaysa qaar ka mid ah oo reerkooda u hadla oo hiil dadban iyo mid muuqdaba ku taageera.Uf qabyaalad waxase ka daran bal dadkan goor walba ku jabaya qabyaala ee hadana aan ka waan toobayn.Ilaahay ha inaga daweeyo waxa hore loo yidhi Somaalidu qabyaalada waxay ku sidata laabta kitaab kana gacanta marka waxa u fudud inay tuuraan kitaabka ilayn gacaynta ayay ku sitaane. Aynu dib ugu nuqono maqaalka haddi aynu dib u yara noqono sooyaalka waxaa mooshinkan ka horeeyay kii ay baarlamaanku ku laaleen tayada baabuurta,xukuumadu soomay celin.Waxaynu ognahay dhibaatooyin fara badan oo ay inagu hayso Dimuqraadiyada aynu qaadanay inaga oo aan u bislayn.

Way jirta inay xukuumadaha caalamku ku wareejiyaan hantida umada shirkado gaar ah haddi aynu soo qaadanka Ingiriiska shirkada weyn ee British Air ways ,isgaadhsiinta iyo hanti kaleba waxay ku wareejisay shirkado gaar ah laakiin waxa isweydiin leh goorma lagu wareejiyay.

Waynu garan kara boqortooyada Ingiriisku inta ay jirtay waxa jira shirkado waaweyn oo ay leeyihiin dad shicib ah. Hase yeeshe dhamaantood waxay u hogaansamaan shuruucda dalka oo waxay ka ka baqaan sharciga,cashuurta toos ayay u bixiyaan sharciga kama sareeyaan waxay ku xidhan yihiin dawlada kolba xeerka cusub ee ay xukuumadu soo saarto wey u hogaansamaan.

Maanta waxaynu ognahay inay dalka ka jiraan shirkado waaweyn oo ay leeyihiin dad shicib ah. Waxaynu ognahay inaanay cashuurta ku waajibtay toos u bixin inaanay macaashal macaaska hagaag u bixin. Waxaynu ognahay inay iyagu xukuumada u yeedhi yaan waxay doonaan inaanay xukuumada ka amar qaadan inay qabyaalad iyo garasho ku kala soocan. shirkadahaas waxa ka mid ah xawaaladaha,isgaadhsiinta oo ay xukuumada tahli wayday inay isku xidho,kuwa wax dhisa shirkadaha wax soo dejiya marnaba cashuur sax ah ma bixiyaan. Hadaba iyadoo og xukuumadu dhibaatada ka haysata shirkadaha ee ay ka wayday wada shaqaynta inay hadana abuurto qaar hor leh oo waliba ku hawl galaya hantidii umadda. Maxaa ugu jira xukuumada wareejinta Haamaha,waxay xukumi kari wayday kuwii hore u jiray oo iyagu waxay doonaan yeela.

Maxa kalifay warqada madaxweynuhu ku soo celiyay baarlamaanka maadama aqlabiyad lagu meel mariyay. Waa ayo cidda hadana xildhibaanada soo ciyaar siisay ee dabada ka riixaya .

Warqadi Madaxweynaha qaranka ayaa dib loo celiyay miyaanay ceeb inagu ahayn hadana inay xildhibaanadu mooshin ka keenaan waa maxay waxa ugu dhex jira xildhibaanadu inay ku dagaalamaan hanti umadeed oo cid gaar ah la siinayo Dawladi waxay hanti umadeed wareejisa marka ay shirkadaha jira u hogaansamaan sharciga ee amarkeeda la qaadanay laga baqanayo. Waxaan xukuumada iyo madaxweynaha kula talinaya inay ku soo hogaamiyaan shirkadaha hore u jiray sharciga dalka oo ay la xisaab tanto kana qaadaan cashuuraha xaqa loogu leeyahay. Marka ay xukuumadu ka adkaato shirkadaha iyo Baananka jira ee gaar ka loo leeyahay ha wareejiso wixii ay dan u aragto. Laakin waxa ceeb ah xukuumad u dagaalamaysa oo geed dheer iyo mid gaaban isugu taagto inay cid gaar ah khasab ka dhigto in xoolihi umadda la siiyo. Waxaan quman sida sharciga islaamku qabo kolka nin uga dhinto caruurtiisa xoolo in ila ka ugu yari qaan gaadho loo qaybin ama wixiisa gooni loogu saaro.Waayo maanta umadda reer Somaliland waa agoon waxa xukuumada waajib ku ah inay ilaaliso hantida agoonta inta ay isa soo gaadhayaan waayo in yar ayaa doonaysa inay maroorsato hantidii umadda .Waxaan madaxweynaha kula talinaya oo naseex ah inuu ka joojiyo cidda dabada ka riixaysa in hantida umada kala kortay la siiyo dad gaar ah.

Aden Dholayare

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here