Waxyaabaha Uu Rumeysan Yahay Hoggaamiyaha Cusub Ee Xisbiga Labour-Ka Ingiriiska

0
398

Waxyaabaha Uu Rumeysan Yahay Hoggaamiyaha Cusub Ee Xisbiga Labour-Ka Ingiriiska

London(Warsugannews) Waxyaabaha uu rumeysan yahay Hogaamiyaha cusub ee xisbiga Labour-ka, Jeremy Corbyn, waxaa ka mid ah:
1: Canshuur dheeri ah: In canshuur dheeraad ah la saaro dadka maalqabaneenka ah, isla markaana sharciga lala tiigsado kuwa caanshuurta la dhuunta.
2: Wadahadalka Xisbullah iyo Xamaas: In lala hadlo ururada hubeysan si nabad looga dhaliyo Bariga Dhexe. Corbyn ayaa dhaleeceyn xooggan la kulmay markii uu kalmada “saaxiibadeen” u adeegsaday ururada Xamaas iyo Xisbullah. Waxa uu arrintaasi uga jawaabay in loo baahan yahay in lala hadlo dadka uu khilaafka idinka dhexeeyo.

3: Duqeynta ururka Khilaafada Islaamka: In xisbiga Labour-ka aanu taageerin duqeynta ka dhanka ururka isku magacaabay Khilaafada Islaamka ee Suuriya. Corbyn, oo gudoomiye u ah isbahaysiga Jooji dagaalka ayaa rumeysan in duqeynta ay waxyeeleyneyso shacabka Suuriya. Waxa uu ku talinayaa in la jaro ilaha dhaqaalaha iyo hubka ee ururkaasi.

4. Kirada Guryaha: In dib loo soo celiyo xakameynta kirada guryaha oo lagu jaangooyo mushaaraadka maxaliga ah, isla markaana la dhiso guryo badan oo ay leeyihiin dowladaha hoose.

5. Muhaajiriinta Yurub: In la soo dhaweeyo dadka magangelyo doonka ah ee aanan heysan meel ay ku noolaadaan, waxa uuna rumeysan yahay in muhaajiriinta ay wax wanaagsan u qabteen Britain.

6. Cunaqabateynta Israa’iil: In cunaqabateyn dhanka hubka ah la saaro Israel, qaxootiga Falastiiniyiinta loo ogolaado in ay dib u laabtaan.

7. Waditaanka Bayskiilka: Corbyn ayaa taageersan waditaanka bayskiilada, mana lahan gaari u gaar ah. Chris Mason oo BBc-da ka tirsan ayuu mar ka diiday inuu la raaco gaari, asagoo sheegay in uu baaskiil ku socdo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here